๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž K๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ Oo Kulan La Yeeshay Jaaliyadda Ku Degan Belgium + SAWIRRO

0
1032

Brusseles (HP): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa magaalada Brusseles ee waddanka Biljim, kulankaasi ayaa salka ku hayay boggaadin iyo dhiirigelin, waxaanu uga mahadnaqay Jaaliyada dadaalka joogtada ah ee ay galiyaan kor u qaadista qadiyada Qaranka JSL.

Kulankan madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisu ay la qaateen Jaaliyada reer Somaliland ee magaalada Brusseles ayaa ka qabsoontey xarunta Midowga Yurub Brussels ee dalka Biljim.

Qaybaha kala duwan ee Jaaliyada reer Somaliland ee magaalada Brussels, ee ka soo qayb galay kulanka madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisa ayaa lulayay Calanka Somaliland ee Towxiidku ku xardhan yahay.

Waxaanay waftigaasi uga mahadceliyeen boqashada ay ku yimaadeen xarunta Midowga Yurub, ee la xidhiidha sidii beesha caalamka looga dhaadhicinlahaa gooni isu taaga Qadiyada JSL.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa Jaaliyada ku nool xarunta Midowga Yurub ee dalka Biljim ku boggaadiyey hannaanka fiican munaasibaddaasi u soo qabanqaabiyeen iyo soo dhaweynta ay u sameeyaan madaxdooda iyo sida ay markasta u garab taagan yihiin.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here