D๐ก๐ข๐ฌ๐ฆeyaal Cusub Oo L๐š๐ ๐ฎ Ko๐ซ๐๐ก๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐…๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐†๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š Hargaysa

0
643

Hargeisa (HP): Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa maanta dhagax dhigay dhismeyaal cusub oo lagu kordhinayo dugsiga farsamadda gacanta Hargaysa.

Dhagax dhigaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Diiriye Toorno, ayaa dhagax-dhigey dhismayaal cusub oo lagu kordhinayo dugsiga farsamada gacanta ee magaalada Hargeysa.

Kaas oo ay maalgalineyso hayโ€™adda GIZ, waxaana dhismahiisa maamuli doonta wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta JSL.

Wasiir Toorno, waxa uu sheegay in dugsiga farsmada gacanta ee magaalada Hargeysa lagu kordhin doono 30 fasal, kuwaas oo qaarkood isdulsaaran yihiin iyo hool weyn oo loogu talagalay in ardaydu itus, oo itaabsi ay wax ugu bartaan iyo laba laab oo midi ku shaqayn doono tamarta cadceeda.

Halka midna yahay guryaha dadan, waxaanu intaas ku daray in la dayactiri doono 3 fasal oo kuwii hore ah, waxaanu mashruucan ku tilmaamay mid mihiima.

Axmed Maxamed Diiriye Toorno, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland iyo madaxda hayโ€™adda GIZ ayaa sheegay in marka uu dhammaado dhismaha cusub ee lagu kordhiyay dugsigan ay dad badani ka faaโ€™idaysan doonaan, isla markaana ay ku baran doonan qaybaha kala duwan ee farsmada Gacanta.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf ayaa hayโ€™adda GIZ, uga mahad celiyay maalgelinta dhismaha cusub ee lagu kordhinayo dugsiga farsmada gacanta ee magaalada Hargeysa iyo dib u dhiska iyo dayactirka lagu sameynayo 3 fasal oo dhismayaashi hore ka mida.

Waxaanu intaas ku daray in in wasaaraddu sameysay nashqada dhismaha dugsigan.

Agaasimaha ayaa xusay in dugsigani ka koobnaan doono 30 fasal.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here