Qaadashadda Kaadhadhka Codbixinta Oo Ka Bilaabantay Sanaag Saaxil iyo Awdal

0
430

Berbera (HP): Qaadashadda kaadhadhka codbixinta ayaa maanta si rasmiya uga bilaabantay goboladda Sanaag, Saaxil, iyo Awdal.

Kaadh qaadashadan ayaa socon doonta muddo toban maalmood ah, sida ay hore u sheegeen komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Qaybinta kaadhka codbixinta ayaa la siinayaa dadkii hore isku diiwaan geliyay ee aan fursada u helin in ay codaynta doorashooyinkii hore ka qayb qaataan.

Taasoo ka qabsoomaysa dhamaanba goobaha magaalooyinka, degmooyinka, tuullooyinka, iyo xataa baadiyaha ah ee loo qorsheeyay in laga fuliyo hawshaasi.

Waxaana goobaha ay maanta ka bilaabantay qaadashadda kaadhka codbixintu kormeer ku soo maray wasiirro, iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda, iyo xisbiyadda ka tirsan.

Sidoo kale waxaa goobaha kaadhadh qaybinta kormeer indho indhayn, iyo qiimayn ah ku soo sameeyay xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka.

Geesta kale wararka naga soo gaadhaya saddexda gobol ee ay maanta ka bilaabantay qaadashadda kaadhka codbixintu ayaanay ka dhicin ha ba yaraatee wax rebshado, ama caqabado ah.

Waxaana lagu soo waramayaa in hawluhu ay si wanaagsan uga socdaan, isla markaana ay dadweynuhu si habsami leh u qaadanayeen kaadhadhkoodda.

Dhinaca kale marka ay soo dhamaato mudadda tobanka maalmood ah ee loo qorsheeyay in ay kaadh qaadashadu ka socoto goboladaasi.

Waxaana sida qorshuhu yahay laga bilaabi doonaa goboladda hadhay oo kala ah Maroodijeex, iyo Togdheer.

Halka aanay bixinta kaadhka codbixintu ka dhici doonin guud ahaanba gobolka Sool, oo ay xaalado colaadeed ka taagan yihiin.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here