Xuska Malinta Caalamiga Ah Ee Joojinta Gudniinka Hablaha oo La Xusay

0
465

Hargaysa (HP): 6-da bisha February waa maalin caalami  ah oo loo asteeyay maalinta la dagaalanka gudniiinka hablaha, iyada oo laga xuso dunida oo dhan oo ay ku jirto somaliland.

Hadaba Sannadkan ayaa si weyn looga xusay Somaliland iyada oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqo gelinta, Arimaha Bulshada, iyo Qoyska ee Somaliland iyo Hay’adaha la shaqeeya Wasaarada oo ay hormuud ka tahay Hay’adda Wadaniga ah ee Nafis Network oo ah dallada ugu baladhan ee ka shaqeysa cidhib tirka gudniinka Hablaha.

Ujeedada ugu weyn ee loo qabtay, waxay ahayd in si cad looga soo horjeesto tacadiyada ka dhanka ah haweenka ee ugu horeeyo gudniinka hablaha, sidoo kale in baaq dheer loogu diro dawlada Somaliland sidii ay u ansixin lahayd xeerka lagaga hortagayo gudniinka hablaha.

Waxana ka soo qayb galay Xubno kamida golaha xukumada, Hay’adaha caalamiga ah iyo ururada bulshada Somaliland iyo dhamaan  u doodayaasha xuquuqda aadamaha gaar ahaan haweenka iyo caruurta.

Waxa si cad la iskula qaatay ururada bulshada, hay’adaha madaxa banaan iyo wasaaradaha kala duwan ee Somaliland in gudniinka habluhu uu dhibaato weyn ku hayo caafimaadka haweenka Somaliland, loona baahan yahay in la kobciyo aqoonta bulshada iyo in la soo saaro xeerkii lagu joojin laha caado dhaqmeedkan dhibaatada ku haya haweenka Somaliland.

Sidoo kale Meel marinta siyaasada gudniinka hablaha oo ay hadda gacanta ku hayso wasaarada shaqo gelinta, arimaha bulshada iyo qoyska taas oo ay ka wada shaqaynayaan qaybaha kala duwaan ee wasaarahadaha sida wasarada diinta iyo awqafta.

Wasaaradda cadaalada, wasaaradda warfaafinta wasaaradda caafimadka iyo wasaaradda xidhiidhka goloyaasha iyo arimaha dastuurka, iyo ururada bulshada rayidka ah, uguna horeyso hay’ada wadaniga ah ee Nafis Network.

Hay’ada Nafis Network Waxay baaq u diraysa  dawlada Somaliland sidii loo ansixin laha xeerka lagu cidhib tirayo caado dhaqameedka dhibka ku haya haweenkeenna ee gudniinka Hablaha.

Sidoo kale waxay ay hay’adda Nafis Network ay ku boorinaysa in daneeyasha ka shaqeeya Cidhib tirka Gudniinka Habalahu in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii loo meel marin lahaa xeerka iyo siyaasada lagu joojinayo gudniinka hablaha, wax kale oo ay soo jeedinaysaa  in la isticmaalo hal fariin oo midaysan taas oo bulshada lagu wacyi-gelinayo.

Geesta kale wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay sida aanay marnaba diinteenu  u ogolayn in dhaawac la soo gaadhsiiyo jidhka iyo maskaxda qofka.

“Diinteenu marna ma ogola in dhaawac la soo gaadhsiiyo jidhka iyo maskaxda qofka. Gudniinka habluhu waa mid ka mid ah. Waan tageeraynaa dedaal kasta o lagu cidhibtiraayo Gudniinka hablaha” ayuu yidhi wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed.

Wasiirka wasaarada shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Mustafe Maxamuud Cali, ayaa isna munaasibadaasi hadal ka jeediyay, waxaanu ugu baaqay dhamaanba culimadda dalka in ay wacyigelin ka sameeyaan gudniinka hablaha.

Waxaanu yidhi, “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan culimada inay sameeyaan wacyigelin caam ah oo taabanaysa cidhibtirka gudniinka hablaha, maadaama oo aan wax sal ah ku lahayn diinteenna suubban”.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa isna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi, “Jarjariddu waxay dhibaato ku keentaa inanta maalinta ay dhalato illa marka ay hooyo noqonayso. Markaa waa in la joojiyaa Gudniinka hablaha”.

Gudoomiyaha Daladda Nafis Netowrk  Khadra Cumar Xassan, oo iyadna halkaasi ka hadashay ayaa ka warbixisay dhibaatooyinka gudniinka fircooniga ah.

“Arrimaha khuseeya Gudniinka habluhu ka hadlidooda kuma cusba Somaliland. Arrintan in badan ayaa laga hadlaayay. Waxa la gaaray waqtigi la soo saari lahaa siyaasad iyo xeer xakamaynaya.  Taas oo ay dawladu soo saarto. Culimadu waa inay qaataan kaalinta kowaad ee arrintan”  ayay tidhi gudoomiyaha Daladda Nafis Netowrk  Khadra Cumar Xassan.

Dhinaca kale waxaa iyadna halkaas ka hadashay Xaliimo Xaaji Cabdi,oo ka tirsan  Daladda Now, “Dumarka Somaliland waxay aad u og yihiin caafimaad darrada uu keeno Gudniinka habluhu. Si loo joojiyo na waxa loo baahan yahay ansixinta siyaasad iyo xeer xakamaynaya” ayay tidhi Xaliimo Xaaji Cabdi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here