Xurgufta Shirkadda Apple iyo FBI-da Qallinkii : Cabdirashiid Ibraahim

0
1422

HargeisaPress — Waayaddan dambe, telefoonadan gacanta ee casriga ahi (Smartphones) ee ay majaraha u hayso iPhone waxay noqdeen qayb ka mid ah nolosheena. Waxaa loo isticmaalaa in lagu kaydsado xogo aad u tirro badan oo shakhsiyeed, xoggaha wada sheekaysiga asxaabta iyo ehelkaaga, sawiro, casharo, qoraalo, taariikho, xidhiidhada bulsho, macluumaad maaliyadeed iyo xataa arrimo caafimaad iyagoo meel kasta oo aad tagto xogtaadii kula socoto. Dhamaan xogahaasi waxay u baahan yihiin in laga ilaaliyo budhcada iyo dambiilayaasha raba in ay helaan oo ay isticmaalaan addiga oo aan ogayn.

 

Iyadoo Telefoonadu adeegyadaasi faraha badan innoo qabanayaan ayaa haddana waxaa jiri kara dad sifo khaldan u isticmaali kara oo halis ku galin kara amniga ummad dhan. Macaamiishu waxay shirkaddaha sida Apple ka filayaan in loo ilaaliyo macluumoodkoodaasi – shirkadda Apple waxay hadda muujisay in ay arrintaasi ay ka taagan tahay meel adag.

 

December sannadkii hore, 14 qof ayaa lagu dilay in badana waa lagu dhaawacay rasaasayn ka dhacday San Bernardino, California. FBI-da Maraykanku waxay sheegtay in Labadda qof ee fuliyay weerarkaasi ay ahaayeen Islaamiyiin lagu qasbay in ay fuliyaan weerarkaasi, Madaxweyne Obama isna wuxuu yidhi falkani waa dhaqan argagixiso. Labadda qof ee weerarka fuliyayba waxaa lagu dilay is rasaasayn dhex martay iyaga iyo Bilayska.

 

Markii laga soo kabtay weerarkaasi, FBI-du waxay aqoonsatay IPhone kii mid kamid ah dadkii lagu tuhusanaa in uu weerarka ka dambeeyey. awooda siraha amaanka (passwords/Encryptions) ee shirkadda Apple oo ah mid aad u heersareeya ayaa u suuro galin waayay FBI-du in ay heli karto xogta ku duugan iPhone kaasi – Apple waxay sheegtay in iOS 8 aysan suuro gal ahayn in xataa Apple ay furi karto maadaama oo aysan aqoon furayaashii uu ku xidhay qofkaasi isla markaana uusan jirin albaab dambe (Back Door) oo laga soo gali karaa iPhone kaasi.

 

Wiiggii hore, Garsooraha Maxkamadda California ayaa ku amray Apple in ay FBI da ka caawiso helitaanka xogta ku duugan iPhone ka rasaaseeyihii San Bernardino. In kastoo aysan cadayn FBI du waxay doonayso in ay hesho, haddana waxa macquul ah in ay FBI du xiisaynayso xidhiidh ay sameeyeen la tuhunsanayaashu oo ay cid kale la sameeyeen maadaama la aamin san yahay in lagu qasbay arrintan ay fuliyeen.

 

Shirkadda Apple oo ka jawaabaysa arrintaasi waxay waraaqo u dirtay in ta isticmaasha addeegyadeeda, innaga. Waxay tidhi “Dawladda Maraykanku waxay nagga dalbatay talaabo aan la sii malayn karayn waxay ku dambayn oo carqaladaynaysa amniga macaamiishayada – anana waa ka hor nimi. Wakhtigan waxaanu raadinaynaa in wax la iska waydiiyo arrintaasi waxaanu doonaynaa in macaamiishayada iyo bulshada dunnidu fahamto waxa noogu jira arrinta”.

 

Maxay Apple ku diidaysaa dalabka dawladda? Dawladda Maraykanku waxay maxkamadda waydiisatay in ay Apple ku amarto samaynta nidaam cusub (New Version of Operating System) kaasi oo awood u leh in uu garab maro xogta sirta ee lagu xidho muraayadda hore ee Iphone ka. Apple waxay ku doodaysaa in arrintani ay laba khatarood ku leedahay, waa mide dawladu waxay rabtaa system gabi ahaanba cusub oo ay iyagu isticmaalaan. Waxay Apple dawladdu ka rabtaa in ay ay dhinto awooda xogta sirraha iPhone ka isla markaana lagu darro awoodo suuro galisa in si fudud loo weerari karo sirta iPhone ka (Encryption) taasi oo ogolaanaysa in furaha lagu dhaafo muraayada hore ay noqoto mid hab electronik ah loo galinayo xogta sirta halka farta laga marinayo. Tani waxay sahlaysaa in si fudud loo furi karo Iphone. Furaha lagu dhaafayo muraayadda hore ee Iphone ka waxaa loo habaysan karaa in ka badan 1000 isku dar oo sir ah iyadoo waliba loo sheegayo haddii 10 jeer oo fure khaldan ah la galiyo in uu masaxo dhamaan xogta ku jirtay iPhone kaasi – taasi oo ah ta ay ka hortagayso FBI-du.

Apple iyo FBI-da

Midda labaad ayay Apple tidhi, arrintani arrimo sharci oo aanaan garanayn meel ay naggu hogaamin doonto ayay nagu furaysaa. Miyay dawladu soo saari doontaa awaamiir intan ka badan oo ay tahay ujeedadoodu dabagal sida kaydinta wada hadalada dhex maraya macaamiisha iyo ogaanshaha halka macmiilku ku sugan yahay.

 

Arrinta dawladda Maraykanku ka rabto shirkadda Apple waa mid ay shirkaddu sheegtay in ay samayn karto laakiin waxay galaafanaysaa awoodii iyo kalsoonidii xaga xogta sirraha ee macaamiisha waxaanay ka walaacsan tahay in ay u gacan gasho dad aan masuuliyiin ahayn ayay ku doodaysaa Apple.

 

Dunnidan digital ka ahi way ka duwan tahay dunnidan la taaban karro (tangible) waxa yaala ee la burburin karro si sahlan. Dunnidan digital ka ah markaad farsamada samayso kolba waa la isticmaali karaa, cadad yadii la doono ee qalab ah – mar haddii fikirku baxana cid waliba waa samayn kartaa ayay ku doodaysaa Apple.

 

Madaxa Google iyo aas-aasaha Whatsup waxay ka cabsi qabaan haddii arrintani noqoto sida FBI-du rabto oo la sameeyo albaab dambe (Back door) oo laga soo gali karo iPhone in iyagana sidoo kale laga yeeli doonno.

 

Bill Gates wuxuu arrintan ka yidhi “Kambaniyadda Tiknoolajiyadda waa in lagu qasbaa in ay la shaqeeyaan hir galinta sharciga marka laga hadlayo baadhitaanka argagixisadda” wuxuu Gates u sheegay Financial Times “Arrintani waa kiis kaliya oo ay dawladu u baahan tahay in ay xog hesho. Ma waydiisanayaan arrin guud oo macaamiisha wada saamaynaysa, waxay rabaan xog kiis gaar ah” – Apple arrintaasi mid ka duwan ayay u aragtaa oo ah in hal macmiil waxa loo adeegsadaa saamaynayo dhamaan macmiishooda.

 

FBI aydu waxay haysataa taageerada aqalka cad ee Maraykanka, musharaxa rajada badan qaba ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

 

Waxaanu la shaqaynay dawladda, waxaanu siinay xog kasta iyo taageero kasta oo ay nooga baahnaayeen – “Waxaanu ka cabsi qabnaa in dalabkani uu wax yeelaynayo xoriyada iyo xuquuqda ay tahay in ay dawladdayadu ilaaliso” ayuu yidhi Madaxa Apple Tim Cook.

 

Shirkadda Apple waxay gudbisay mooshin ka dhan ah amarkii Maxkamadda “Maxkamaddina waligeed ma aysan siin dawladda awood ay ku qasabto shirkadaha sida Apple in ay daciifiyaan amniga nidaamyadooda si ay ugu fududayso dawlada helitaanka xogaha shakhsiyeed” ayay ku sheegeen mooshinka.

 

Madaxa FBI-da Maraykanka wuxuu isna ka hor sheegay gollaha sarre ee Maraykanka in ay Apple fuliso dalabka FBI-da iyo Maxkamadda. “Waxaan rajaynayaa in go’aanka golluhu noqdo mid wax u taraya go’aanada maxkamadaha kale.

 

 

Waa mid ka mid ah xurgufaha dhinaca tiknoolajiyadda ee waayadan la arko. Miyaad isticmaashaa Apple – maxay kula tahay – iyamaad taageersan tahay? Sabab?

Akhris:

http://www.apple.com/customer-lette…

http://www.theverge.com/2016/2/26/11120760/apple-vs-fbi-legal-brief-explained

http://techcrunch.com/2016/02/25/apple-files-motion-to-dismiss-the-court-order-to-force-it-to-unlock-iphone-citing-free-speech-rights/

http://www.theguardian.com/technolo…

 

 

Qallinkii : Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan

 

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here