Xukuumadda oo Qiimo Dhimis Ku Samaysay Adeega Laydhka Ee Gobolka Sool

0
1137

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay sheegtay in ay qiimo dhimis ku samaysay adeega Laydhka ee gobolka Sool.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland soo na gaadhay xafiiska warqabadka ee Warbaahinta Hargeisapress, waxaanu u dhignaa sidan:-

Guryaha dadweynaha halkii yunit waxa hore looga qaadi jiray 0.80 dollar, qiimaha cusubina wuxuu noqon doonaa 0.5 doollar.

Ganacsiga yar yar hakii yunit waxa laga qaadi jiray 0.70 doollar, qiimaha cusubina wuxuu noqon doonaa 0.50 doollar.

Ganacsiyada waawayn halkii yunit waxa hore looga qaadi jiray 0.50 doollar, qiimaha cusubina wuxuu noqon doonaa 0.30 doollar.

Halka goobaha kale ka baxsan intaas qiimihii hore looga qaadi jiray uu ahaa 0.70 doollar, halka uu imika qiimaha cusubina noqon doono 0.50 doollar.

Ugu dambayn warsxaafadeedkaas ka soo baxay wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland waxa lagu sheegay in wasaaraddu sii wadi doonto dadaaladeeda ku aadan in muwaadiniinta Somaliland ay helaan adeeg laydh oo qiimihiisu jaban yahay.

No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here