Faysal Cali Waraabe: Dagaalkii Lala Galay Dowladii Kacaanka, Wuxuu Ahaa Dagaal Lagu Doonayay In Qaranimada Somaliland Lagu Soo Celiyo

0
1686
faysal-cali-waraabe-oo-fariin-u-diray-xasan-sheekh-weerar-afka-ahna-ku-qaaday-farmaajo

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in markii Ingriiskii dalka ka tagay ay reer Somaliland galeen gumaysi kale.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Faysal in in dawladii kacaanku ee Maxamed Siyaad Barre ay gumaysi kale ahayd.

“1982 baan imid iyadoo waxaaso xafiisa qof reer Somaliland ahi aanu fadhiyin oo ay wadada shisheeye yihiin, oo laydin haysto, waxad ka baxdeen Ingiriiskii oo mid walowayn baad gasheen”. Ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Hadalkan ayuu Faysal Cali Waraabe ula jeeday in markii Somaliland ay ka xorawday gumaystihii Ingiriiska ay dawladii kacaanku gumaysatay markale.

“Goob kasta waxa joogay nin shisheeye ah oo aan u dhalan oo lacagtuun iska guranayay.” Ayuu Faysal hadalkiisa sii raaciyay.

Faysal ayaa sheegay in dagaalkii lala galay dawladii kacaanka uu aha dagaal lagu doonayay in qaranimada Somaliland lagu soo celiyo.

“Ujeedada ugu wayn ee aynu dagaalka u galnay waxay ahayd in aynu qaranimadeena soo ceshano, waxan kale ay sheegayaan ee qabiilka, cadaadiska iyo meelkasta wuu ka jiraa oo wax wada sax ahi majiro aduunka”. ayuu yidhi guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here