Xukuumadda oo Maal-gelinaysa Arday Muhindisiin Ah

0
1729

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, ayaa shaacisay in ay maal-gelin dhaqaale siinaysayo Arday muhindisiin ah oo waxka barta Dugsiyadda sare ee dalka, kuwaasi oo ay wasaaraddu u qabatay munaasibad ay ku soo bandhiyeen Hal-abuur dhinaca farsamada ah oo ay ikhtiraaceen.

Wasiirka wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo hadal ka jeediyay Munaasibad Ardaydan ku soo bandhigayeen hal abuurnimadan, ayaa waxa uu sheegay in ay dhiirigalinayaan ardaydan.

“Waan idin dhiirigelinaynaa, Wasaaradu idika hadhi mayso, ilaa uu hamigiinu meel sarre gaadho, qof kastaana waxa uu u baahanyahay waa in lala sameeyo, Maalgalintii ayaanay u baahanayaan haddii Dhalinyaradani soo bandhigeen hal abuurnimo, waxaana idiku dhiirigalinaynaa in aanu aragno waxaas oo runa, waxaana halkan kaga dhawaaqaynaa in mid kasta la siiyoToban Milyan oo Shilinka Somaliland ah si ay ugu iibsadaan Agab kale maalinta kale ee ay soo bandhigayaan Hal abuurnimada,”.ayuu yidhi wasiirku.

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo sayniska Axmed Xasan Nuur Axmed (Taajir) oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu kula dardaarmay Ardaydan in aanay ka Caajisin Hal Abuurnimadan ay hindhiseen.

”Wax waliba waa bilow hadii laga hadhi waayana guul ayaa laga gaadhaa maskaxdiina ayaad ka shaqaysiiseen guul ayaana idiin soo socotee haka caajisina,”.ayuu yidhi wasiir ku xigeenku.

Geesta kale, Agaasimaha guud wasaarada waxbarashada iyo sayniska Axmed Abokor Maxamed, ayaa isna waxa uu ku boogaadiyay Ardaydan Halabuurkan ay soo bandhigeen, waxaana uu ku dhiirigaliyay Ardaydan in halkaa sii wadaan Curintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here