Xukuumada Somaliland iyo Bangiga Aduunka Nayroobi ku Kala Saxeexday Mashruuc ku kacaya Toban Milyan oo Doolar oo lagu Horumarinayo Tayada Shaqaalaha Dawlada.+ SAWIRRO

0
796

Nairobi, (HargeisaPress) —Wafdi ka socday Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland oo uu Hogaaminay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Mudane Maxamed Mixile Boqorre, Wasiir u Dawlaha Wasaarada Shaqda iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Daahir Camuud, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Gudoomiyaha Machadka Tababarka Shaqaalaha Mudane Guuleed Saleebaan Hagoog, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Mudane Maxamed Xasan Ibraahim iyo Xidhiidhiyaha Machadka Shaqaalaha Dawlada Mudane Xirsi Cabdilaahi Ismaaciil oo maalmahanba hawlo shaqo u joogay Dalka Kiiniya ayaa Maanta Heshiis aad u balaadhan la saxeexday Baanka Aduunka.

 

Heshiiskan oo ay ku bixi doonto lacag dhan Toban Milyan oo Doolar waxa uu socon doonaa muddo Shan Sanadood ah, waxaana Mashruucan loogu talo galay in kor loogu qaado Aqoonta iyo Tayada Shaqaalaha Dawlada iyo sidii loo Abuuri lahaa Shaqaale Aqoon u leh Adeegga ay Bulshada u hayaan una carbisan shaqooyinkooda. Waxaa kale oo xoogga la saari doonaa sidii loo tayayn lahaa guud ahaan Nidaamka Shaqada iyo Shaqaalaha loona kobcin lahaa Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ee kala duwan.

banka

Mashruucan oo ay ka Faaiidaysan doonaan Sideed Wasaaradood iyo laba Hay’adood oo kala ah Hay’ada Shaqaalaha Dawlada iyo Machadka Tababarrada Shaqaalaha Dawlada ayaa isbedel muuqda oo horumar leh u horseedi doonaa guud ahaan Shaqaalaha Dawlada iyo Adeegga ay u hayaan Bulshada.

 

Wasiirka Wasaaradaha Arrimaha Debada Dr. Sacad Cali Shire oo Heshiiskan ka hadlayay ayaa tilmaamay in Mashruucani uu yahay mid faaiido balaadhan u leh Qarankeena, waxaana uu aad ugu Mahad Celiyay Baanka Aduunka oo uu xusay inuu Mashaariic badan oo horumarineed uu ka wado Dalka Somaliland.

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka

Nairobi. Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here