Xukumadu Miyaanay Lahayn Qorshe Siyaasadeed oo ku Wajahan Dhalinyarad Mise Wasaarada Dhalinyarada ayaa Magac u yaal ah?.

0
1348

Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Warshadii Ugu Horaysay Ee Samayn Doonta Jiingadaha oo laga leeyahay Somaliland Mud. Shucayb Maxamed Muuse ayaa maanta magaalada Berbera ka dhagax dhigay Warshadaasi.

 

Wadan waliba waxaa uu leeyahay qorshe siyaasadeed oo uu ku maamulo dhalinyaraddiisa taas oo ay fuliso qorshahaasi wasaaradiisa dhalinyaradu, markaa ma xukumadan ayaa bilaa qorshe ah mise wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa ku fashilantay in ay fuliso qorshihii siyaasadeed ee ay lahayd xukumada manta jirta ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo).

 

Sanad walba waxa aynu maqalnaa oo aynu TVyada ka daawanaa boqolaal ubaxii dalka ah oo baduhu ay liqaan iyadoo  dhawrka casho ee ugu horeysa uun la murugoodo oo inta ugu badan aad maqasho oohinta waalidiintii dhalay caruurtaa halka xukumadii waxa ka qaban lahayd ayaa iyadna shacabkii la ooyeysa markaa hadii xukumadii laga sugayey in ay dhalinta jihaayso ay arinkeedu noqodo oohin iyo  in ay tacsi dirto oo kaliya.

 

Rasuulku(scw) waxa uu inoo sheegay in qofka muslimka ah in aan laba jeer god lagu wada qaniinin waayo hadii mar ay kugu dhacdo masiibo waa in aad marka labaad iyo marka saddexaad aad ka yeelataa qorshe iyo nidaam aad kaga hortagto waa ayaan daro xukumad aan lahayn qorshe ay dhalinyarada kaga wacyi galiso aafada Tahriibta iyo sidii loo mashquulin lahaa dhalinyarada dalka ee loo tusi lahaa mustaqbal cad oo ay hiigsadaan.

 

Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaruhu ma magac u yaalbaa? Maxay tahay shaqada ay dhalinyarda u qabataa?  Iyadoo dhamaan meesha ay ka baxeen xidhiidhadii ciyaaraha ee kala duwanaa iyadoo wasiirkii hore ee ciyaaruhu uu yidhi waan kala diray xidhiidhadii ciyaaraha eek ala duwanaa waynu wada ogayn in ciyaarihii dhalinyardan lagu mashquulin lahaa ay meesha ka baxeen oo Koobkii ciyaaraha gobolada ay dhamaystiri kari waayeen

Markay dhalinyaradu waayaan garoomo ay ku ciyaaraan iyo wax ay ku mashquulaan sidoo kalena ay arkaan lodkii ka horeeyey oo wali shaqo la’aan guryaha fadhiya iyo kuwii shalay tahriibay oo manta markay dalka ku soo laabtaan loo qabanayo xaflado iyo xilal loo magacaabo halka dhalinyaradii dalka ee qolqol jooga ayahayd ay laayihiin meel ay ku ciyaraan iyadoo dhamaan badankoodu ay meesha ka baxeen kooxiihii dhalinyarada ahayd ee ciyaaraha dalka ka qayb qadan jiray muxuu noqonayaa xalku? goorma ayaa inoogu danbaysay tartamo ciyaareed oo aynu maqalno ama aynu aragno.

 

Inay ciyaaraha dalka ay ka dhici waayaan oo kooxihii ay baaba’aan waxaa sabab u ah markay meesha ka baxeen xidhiidhadii kala duwanaa ee ciyaaraha dalka maamuli jiray ee ay wasaaradu la wareegtay waana ayaan darooyinka dalka manta ka taagan ee aanad garanayn siyaasada laga leeyahay sidan ay wax u socdaan iyo cida raalida ah ee lagu raali galinayo.

 

Mohamed Ali Mataan.

Hargeisa Somaliland

Mataan448@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here