Xubno Kamida Garabka Isbahaysiga Kulmiye Oo Shir Hoosaad Ku Yeeshay Hargeysa Iyo Ajandaha Uu Daraana Kulankaasi + SAWIRRO

0
1051

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xubno kamida garabkii dhawaan qaadacay doorashadii ka dhex dhecday xisbiga kulmiye ee la baxay garabka Isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka xisbiga kulmiye ayaa saaka kulan hoose ku yeeshay magaalada hargeysa.

Kulan ay maanta yeesheen garabkani ayaanay u dhamanay badibad xubnihii la baxay isbahaysiga.

isbah 4

Waxaana ajandaha Kulan uu Daraana oo ay Saxaafadda U xaqiijiyeen Xubno kamida isbahaysigu Iswaraysi Madama uu shalay Yimid Wasiirkii Hore ee Arimaha dibada somaliland oo kamida garabkan iyo waliba inay ka tashadaan halka ay ku biiri lahaayen iyagoo isku duuban madaama maalmahanba warbaahintu qoraysay In wada hadal u socdo xisbiga wadani iyo garabkaasi,Balse ma cada nuxurka kasoo baxya kulankaasi ay wada yeesheen xubnahani.

isbah 3

Wasiirkii Hore ee shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiraxmaaan ayaa isagu mardhawayd barta ay bulshadu ku kulanto ee Facebook soo dhigay sawiro ka turjumaya kulankaasi balse ma shaacin qodobada iyo nuxurka kasoo baxay kulankaasi.

isbah 2

Si kasteba ha ahaatee bulshada somaliland ayaa ka war sugaysa jawaabta deg deg ah ee kasoo baxda isbahaysiga kulmiye madaama ay soo baxayaan Warar Sheegaya inay wada hadalo hoose la wadaan xisbiyada Wadani Iyo Kulmiye.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here