Wasaradda Ciyaaraha Oo Abaalmarinno Guddoonsiisay Daawadeyaal

0
730

Hargeysa (HP): Wasaaradda ciyaaraha Somaliland ayaa abaalmarinno guddoonsiisay daawadeeyaal si joogto ah maalin walba uga qayb gala tartanka ciyaaraha.

Waxaama labadaasi daawade abaalmarinta guddoonsiiyay waaxda xidhiidhka ciyaaraha fudud ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland.

Labadan xubnood ee abaalmarinaha la guddoonsiiyay oo kala ah C/rashiid Cabdi, iyo Kayse C/salaan, ayaa si toos ah maalin walba uga soo qayb geli jiray intii uu socday tartanka ciyaaraha kooxaha heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad ee caasimadda Hargaysa.

Ciyaarahaasi oo muddo sanad ku dhaw ka socday garroonka Kubbadda Cagta ee Hargeisa Stadium, ayaa intii uu socday waxaa dhacay 65 ciyaarood.

Sida uu sheegay agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland C/rashiid Caydiid Yaasiin, oo hadal ka jeediyay ciyaartii maanta ee labadda daawade abaalmarinaha lagu guddoonsiinayay.

Waxa kaloo uu C/rashiid Caydiid, sheegay in labadan daawade ay abaalmarin tan ka sii weyn guddoonsiin doonaan marka uu dhamaado tartankani kooxaha heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here