Xisbiyada Mucaaradka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Joojiyay Hawlaha Doorashada

0
1122
Guddoomiyaha guddiga Doorashada ee Xisbiga Xorriyadda iyo Sinnaanta ee Deegaanka Soomaalida
Guddoomiyaha guddiga Doorashada ee Xisbiga Xorriyadda iyo Sinnaanta ee Deegaanka Soomaalida

Jigjiga (Hargeisa Press) – Xisbiyada mucaaradka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay hakiyeen hawlihii doorashada inta laga saxayo gabi ahaanba geedi socodka codbixinta.

Madaxda xisbiyadaasi ayaa sheegay in maamulka deegaanka uu faragelin xooggan ku hayo hannaanka doorashada.

Waxaana ay sheegeen in haddii arintaasi wax laga qaban waayo muddo shan maalmood gudahood ah ay ka fekerayaan qaadicidda doorashada.

Ibraahim Maxamed Xuseen (Ibraahim Dheere) oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada xisbiga xorriyadda iyo sinnaanta ee deegaanka Soomaalida oo ka hadlay waxa ay qoonsadeen, ayaa sheegay in tan iyo markii Abiy Ahmed uu taladda Itoobiyaa qabsaday ay dhibaatooyin badani soo wajaheen xisbiyada mucaaridka dowlad deegaanka Soomaalida.

Waxaanu eedaymo u jeediyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaalida Mustafe Muxumed Cumar, isagoona ku eedeeyay inuu masuul ka yahay dhibaatadaasi soo wajahday xisbiyadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here