Xisbiga KULMIYE oo Shaaciyey inuu ku Guulaystay Dib-u-soo Celinta Xubno ka mid ah Siyaasiyiintii ka Cadhooday

0
702

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ayaa shaaciyey inuu ku guulaystay is afgarad ay gaadheen xubno ka mid ah siyaasiyiintii ka cadhooday shirkii Golaha Dhexe ee xisbigaasi ku doortay murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka uga qaybgali doona doorashada soo socota ee qabsoomay horraantii bishii October ee sannadkii hore 2015.
Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland la hadlay maanta, ayaa sheegay in xubno ka tirsan siyaasiyiinta kaga maqnaa loollankii ka dhashay tartankii murrashaxnimada ay ku heshiiyeen kadib wadahadallo ay la yeesheen sidii ay uga sii mid ahaan lahaayeen xisbigooda.
Xoghaye Xasan Siciid oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey jiritaanka wararka sheegaya in xubno dhawr ah oo ka mid ah siyaasiyiinta la baxay Isbahaysiga Kulmiye ay ku noqdeen xisbiga, waxa uu yidhi, “Horta garab ka go’ay ma jiro, shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE murrashaxiin u tartamayey xisbiga ama waa laga yaabaa inuu jiro loollan ku saabsan murrashaxnimada, waana wax iska caadi ah, laakiin raggaasi may odhan xisbigaanu ka baxnay. Markaa waxaannu ku talogalnay oo xisbiga masuuliyadi ka saaran tahay sidii uu dadkiisa isugu keeni lahaa, raggaasina waxay ka mid yihiin nin-qarka xisbiga oo qaarkood aasaasayaashii xisbiga ahaayeen, kuwo kale miisaan ku lahaayeen xisbiga iyo xukuumaddaba, markaa rag ka mid ah siyaasiyiintaasi iminka is afgarad iyo wadahadal waanu gaadhnay, kuwa kalena wadahadallo ayaanu doonaynaa in aannu la yeelano oo wadahadallo hoose, kuwo dadban iyo qaar toos ahiba way socdaan, waxaannuna ku rajowaynahay in aannu arrintayada xisbinimo ku dhammaysanno oo iyadoo gacmaha la is haystana xisbigu itijaahiisii qaato.”
Dhinaca kale, Xoghayaha guud ee KULMIYE waxa uu difaacay socdaallada xisbigoodu ku tagay gobollada diiwaangelinta codbixiyayaasha laga fuliyey, isagoo sheegay inay gudanayaan waajib Qaran, isla markaana waxa uu meesha ka saaray in xisbigu olole siyaasadeed uga faa’iidaysto arrintan.
“Olole muu bilaabmin ee ololuhu uu dambeeyaa oo xilli doorasho ayuu leeyahay, laakiin hadda waxa weeye arrinta wacyigelinta diiwaangelinta oo waajib ka saaran yahay xisbiyada, dawladda, Komishanka iyo shacabka reer Somaliland oo dhan.

 

Xisbiyada Qaranku waxay kala saxeexdeen xeerka anshaxa oo Komishanka, markaa annagu xisbi ahaan waxaannu dhawraynaa oo aannu ku taagannahay mar walbana ilaalinaynaa xeerkaasi oo aan la jabin.

 

Waxaannu soo marnay gobollada Togdheer iyo Awdal bilowgii diiwaangelinta laga sameeyey, dadku iyagaa abaabulan oo weftiga xisbigu markuu tago waxa uu u tagayaa wacyigelinta diiwaangelinta, laakiin soo dhawayn badan wuu la kulmaa oo taageerayaasha xisbigu iyagoo calamoodii iyo arrimahoodii oo dhan wata ayey madaxda xisbiga soo dhaweeyaan, balse annaga muhiimadayadu waxa weeye gobol kasta, degmo, tuulo iyo goob walba oo aannu tagno waxaannu ku wacyigelinaa oo aannu u sheegnaa in arrinta xisbigu u socdaa tahay wacyigelinta ka qaybgalka diiwaangelinta codbixiyayaasha.

 

Markaa mar walba siyaasadda iyo istaraajiyada xisbigu waxay ku dhisan tahay sidii uu u dhawri lahaa shuruucda waddanka u taal iyo xeerka anshaxa, waanuna ku taaganahay, wacyigelinta iyo abaabulka diiwaangelinta wax ka badan oo aannu samaynaana ma jirto,” ayuu yidhi Xasan Siciid.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here