Hurdada Ka Badan 8 Saac Ama Ka Yar 6 Saac Waxa Ay Dishaa Xususta Iyo Awoodda Go’aan Qaadasho Ee Maskaxda, Waxa Aanay Kordhisaa Khatarta Faaligga

0
935

London , (HargeisaPress) — Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in hurdada 8 saac ka badan maalin kasta ay kordhiso khatarta ah in qofka uu ku dhaco Faalig.

 

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa xaqiijinaysa in hurdada u dhexeysa 7 illaa 8 saacadood ay qofka ka ilaaliso in uu ku dhaco Faalig, halka hurdada ka badan 8 saacadood ay boqolkiiba boqol iyo afartan iyo lix (146%) kordhiso khatarta ah in qofka uu Faalig ku dhufto, halka hurdada 6 saac ka yarna ay iyaduna boqolkiiba 22 kordhiso khatartaas.

 

Khubarada samaysay cilmibaadhistan oo ka tirsan jaamacadda caafimaadka ee New York ayaa sheegaya in Faaligga oo ku yimaadda dhiig maskaxda ku furmay, ama dhiigga oo maskaxda gaadhi waayaa uu yahay sababta saddexaad ee ugu badan dhimashada dadka dunida, waxaana ka horreeya Wadne xanuunka oo ah sababta koowaad ee dunida loogu dhinto iyo kansarka oo Kaalinta labaad ku jira.

 

Waxa kale oo Faaligga keena sigaar cabbista, miisaanka oo aad u bata iyo jimicsi la’aanta jidhka.

 

Cilmibaadhis hore ay u samaysay jaamacadda Warwick ee dalka Ingiriiska ayaa iyaduna daahfurtay in qofka oo seexdda maalin kasta in ka yar 6 saac ama ka badan 8 saac ay ku keento xusuusta daciifta iyo mushkilado dhinaca awoodda go’aan qaadashada.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here