Somaliland: Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil Oo Ku Geeriyooday Jid-Gooyo Loo Galay Ciidan Uu Watay Iyo Khasaaraha Ilaa Hada Ka Dhashay

0
850

BERBERA, (HargeisaPress) — Wararka naga soo gaadhaya Magaalda Berbera ee Gobola saaxil ayaa sheegay in mardhawday kooxdii dablayda ahayd ee dhawaan weerartay dekedii laga dhisayey deegaanka Ceel Gerdi ee dhinaca bari ka xigta magaalada Berbera ayaa jid gooyo u gaysatay ciidamo Boolis ah oo hawl galo fulinayey.

 

Kooxdan dablayda  ah ayaa la sheegay inay jidgooyada ka gaysteen   deegaanka Biyoolay oo dhinaca Koonfur  bari ka xigta magaalada Berbera, iyaga oo jidgooyada u galay ciidan uu hogaaminayey taliyaha qaybta ciidanka booliska ee gobolka Saaxil oo u socday xalinta dhibaatooyin ka jiray magaalada Tuulo Dhibiijo oo u dhaw deegaanka Biyoolay ee jid-gooyada loogu galay.

 

Dad ku sugan Magaalda Berbera oo HargeisaPress.com Wax ka waydiisay Warka ayaa noo xaqiijiyay in jidgooyada ay kooxda dablayda ahi u gashay ciidanka uu hogaaminayey taliyaha qaybtu ayey wararku sheegayaan inuu ka dhashay khasaare, waxaana la soo xaqiijiyey inuu dhintay taliyaha  qaybta ciidanka booliska ee gobolka Saaxil alle haw naxariistee C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr ,wararku waxay intaas ku darayaan inuu dhaawacmay badhasaab ku xigeenka gobolka Saaxil.

 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu qaar ka mid ah askarta ciidanka boolisku ay dhaawacmeen, halka aan wali la soo xaqiijin khasaaraha gaadhay kooxda dablayda ah ee jid-gooyada gaysatay.

 

LA SOCO WARARKA KA SOO KORDHA …..

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here