Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Degmada Saylac Oo Xabsiga Lagu Gurey Hadda +Tiradooda Iyo Waxa Lagu Xidh-xidhay

0
957
Xildhibaanada Golaha Deegaanka Saylac Photo File:

SAYLAC, (HargeisaPress) —Wararka naga soo  gaadhaya magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salel ayaa sheegayaan in maanta ay ciidamada Booliska Saylac ay xabsiga ku gureen xildhibaano tiro badan oo ka tirsan golaha deegaanka Degmada Saylac.

Xildhibaanadan ay hadda ciidamadu xabsiga u taxaabeen ayaa tiradooda naloogu sheegay inay yihiin 9 xidhibaan kuwaas oo ahaa xildhibaanadii taabacsanaa maayarka cusub ee loo doortay golaha deegaanka Saylac kuwaas oo loo diiday inay gudaha u galaan xafiisyadoodii shaqada,waxaana xildhibaanadi ay wadeen sida naloo sheegay abaabulka mudaharaad lagaga soo horjeedo talaabadan maayarka cusub iyo xildhibaanadaba loogu diiday inay gudaha u galaan xafiisyadii shaqada.

Waxaana ay ciidamada Boolisku naloo sheegay in xabsiga loo taxaabay 7 xildhibaan oo kamid ah xildhibaanadaasi.

Xaaladda magaalada Saylac ayaa wakhti xaadirkan kacsan waxaana khilaafkii golaha deegaanka Saylac uu marayaa halkii ugu saraysay,lamana garanayo halka uu saldhigan doono khilaafkaasi.

advertisements

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here