Xildhibaan Miigane Oo Geeriyooday iyo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay

0
731

Boorama, (HargeisaPress) —Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane, oo ka tirsnaaa Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku geeriyooday Magaalada Boorama. Xildhibaanka ayaa sidoo kale ahaa Bare aqoonta Jaamacaddaha kaalin mugleh ka soo qaatay.

Marxuumku wuxuu ahaa Xildhibaan Qaali ah oo waxbadan kasoo qaybqaatay dhismaha Wadankan & Haykalka dawladnimo, sidoo kale wuxuu ahaa Professor & Bare-sare oo kasoo qayb-qaatay Waxbarashada Jaamacada Somaliland.”  Ayuu yidhi Saylici.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici), ayaa Ehelka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida Marxuumka“Ehelkiisii, Qaraabadiisii, Asxaabtiisii, Ardaydiisii iyo Golaha Wakiilada & dhamaan Shacabka Somalilandba Ilaahay Samir & Iimaan haka siiyo, Marxuumkana Illaahay ha siiyo Dembi-dhaaf & Janatul-firdowsa. Aamiin.Aamiin”

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here