Xildhibaan Indho-indho Oo Si Cilmiyeysan Usoo Dhaweeeyey Heshiiska Kooxda Khaatumo Lagula Galay Addis Ababa

0
1101
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan)Indho-indho) oo kamid ah mudanayaasha aqalka Guurtida

Hargeysa,(HargeisaPress) —Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan)Indho-indho) oo kamid ah mudanayaasha aqalka Guurtida  ee kasoo jeeda gobollada Bariga dalka, ayaa si mug leh usoo dhaweeyey natiijada kasoo baxday wada-hadalladii Somaliland iyo maamulka Khaatumo u dhexeeyey ee dhawaan lagu soo afmeeray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Xildhibaanka oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Hubaal, ayaa heshiiskan cusub ee kooxda Khaatumo lala galay ku tilmaamay mid daba socday gogoshii uu madadweyne Siilaanyo dhigay iyo weliba shirarkii midho-dhalka ahaa ee dhawaan lagu qabtay magaalooyinka Awr-boogays iyo Adhi-caddeeye,  “Waan soo dhaweynayaa, heshiiskan oo heshiisyadii hore oo kii Awr-booga iyo Adhi-caddeeye daba socday iyo  kuwa kale ee iman doonaba, madaxweynuhu gogol buu dhigay, gogishiina maanta waxay  keentay guushan usoo hoyatay umadda reer Somaliland, weftiga wasiirrada ah ee wada-hadaladaas ka qayb-galay iyo saraakiisha kale ee xisbiyada UCID iyo KULMIYE ka tirsanna aad baan ugu mahan-naqayaa” ayuu yidhi xildhibaan Indho-indho.

Xildhibaan Indho Indho waxa uu meesha ka saaray inuu heshiiskan kooxda Khaatumo lala galay carqaladaynayo heshiisyadii hore ee deegaanada Adhi-caddeeye iyo Awr-boogays, waxana uu hoosta ka xarriiqay in hoggaamiyayaasha Somaliland u dhashay ee haatan Khaatumo guddoomiya ay usoo dhaweynayaan sidii Prof. Samatar iyo ragga lamidka ahaa loosoo dhaweeyey, waxana uu yidhi, “Dawladdu baa Balli, balligana xooluhuna dhinac bay ka cabaan waddaaduna dhinac bay kaga weysaystaan oo ma nijaasoobaan biyihiisu heshiisyaduna waxba isma yeelayaan, sida Ina Buubaa iyo Ina Ismaaciil Samatar loosoo dhaweeyey, ayaanu usoo dhaweynaynaa, labada Professor ee Cali Khaliif iyo Cali Ciise Cabdi.”

Mar uu ka jawaabayey su’aal nuxurkeedu ahaa in inta badan siyaasiyiinta Somaliland ku sugan ee deegaanada Barigu sas ka qaadaan cid kasta oo haatan Somaliland imanaysa, waxa uu xusay inaanu taas aaminsanayn, isla-markaana weligiiba uu soo dhaweyn jirey ciddii qarankeeda iyo umadeeda wax la qaybsanaysaba,“Anigu taas ma qabo, laakiin inta imika shaqaysa qof aan iigu imanin ma jirto shacabkana intaasba kii yimaaddaba wuu soo dhaweynayey, inyatayadii Somalilad-ta bilowdayna waaba wada dhinteen, sidii aanu Xaglo –toosiye usoo dhaweynay oo aanu laba Baashe(Baashe Cali Jaamac iyo Baashe Maxamed Faarax) u soo dhaweynay oo Cabdirisaaq khaliif u soo dhaweynay oo waxa imika shaqeeyaba usoo wada dhaweynay, ayaanu kuwanna usoo dhaweynaynaa, annagana mabda’a uun baa nagu filan oo mabd’aanu doonaynaaye kuraasi dooni mayno kuwa hadhay hadii ay qaar kuraasidayada doonayaan waanu uga kacaynaa, arrintanina heshiiskii Awr-boogays waxba yeeli mayso“ ayuu yidhi xildhibaan Indho-indho.

Mar aanu wax ka weydiinay xildhibaanka bal sida uu u arko qodob heshiiskii dhawaan labada dhinac wada gaadheen ku jirey oo ku salaysnaa in ciidamada gobollada Bariga ku sugan joogitaankooda dib loo eegi karo, waxa uu sheegay inay ciidanku halkaas ku joogaan rabitaan shacab oo aan looga maarmayn amaanka, isla-markaana ansixinta goleyaasha qaranka ay halkaas ku tageen, waxana uu yidhi, “Ta ciidamadana rabitaan shacab buu meeshaas ku tegay, ciidan gaadiiday oo kuwa Afrika aan lamid ahayn oo ciidan nabadgelyo ah oo dadka deegaanadaasi wax qabadkooda ay ogyihiin ayeynu leenahay, qoddobkaasna waxan filayaa inaanay dadkuba inaga yeelayn markii uu tegayeyna goleyaasha Baarlamaanka, ayaa ansixiyey, qoddobkaasina talo uun buu u muuqdaaye waxan filayaa in la iska dhaafi doono.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here