Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere Oo Si Adag U Difaacay Safarka Madaxweyne Siilaanyo

0
897

Hargeysa, (HargeisaPress) —Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay isa soo tarayeen Dhaliilaha Mucaaradku u jeedinayay Safarka Madaxweynaha ayaa maanta Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin Oo ka tirsan Wakiilada, kana soo jeeda Kulmiye si adag u difaacay Safarka Madaxweynaha.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa waxa uu waxma garato ku tilmaamay Mucaaradka Safarka Madaxweynaha dhaliilay “Waar niyaw anigu waxyaabaha Qaarkood waan la yaabaa.Waxaad moodaa hadalada qaarkood ee Mucaaradku ku hadlayo in Xaasidnimo badani ka muuqato.Nin weyn oo siyaasi ah oo dalkan Xil ka rabana inuu siyaabaha qaarkood u dhaqmo maaha” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanku waxa uu intaasi raaciyay “Bulshada Somaliland waa isku wada mid,Madaxweynuhuna meel walba seexan maayo, hadduu maalinimo meel ku soo hagaago oo hawshiisa ka dhamaysto ma maxaad u seexan wayday baa la odhanayaa, waxaan qabaa inuu Madaxweynuhu aad iyo aad ugu amaanan yahay hawsha wakhtiga adag uu ka fulinayo, Degaamada uu marayo ee bari iyo Galbeed ba leh”

Xildhibaanku waxa uu sidoo kale difaacay Wasiirada tirada badan ee la socda Madaxweynaha “Wasiirada la socdaana waa kuway shaqadoodu ahayd meelaha uu marayo, Madaxweynuhu muxuu kaligii ka doonayaa Wasiir bay shaqadiisa tahaye, shaqada qaranku ma in xafiiska uun la fadhiyaa, waxa weeye hadal iska nacasnimo ah oo xaasidnimo ah, waa hadal aad is odhanayso waxma kasto ayaa tidhi oo aqoon daro ah maba xisaabtamayaanba”

Hadalkan kulul ee Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa ka dambeeyay kadib markii Gudoomiyaha Madasha wadatashiga iyo Xisbiyada Mucaaradka ahi dhaliileen Safarka Madaxweyne Siilaanyo, siiba waxay iska wada daba mareen sida Madaxweyne Siilaanyo degdeg ugaga soo noqday Boorama oo intuu habeenimo soo galay haddana habeenimo ka soo baxay islamarkaana seexday Wajaale.

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here