Xidhiidhka Maraynka Iyo Israel Oo Meel Xun Maraya

0
923

WASHINGTON —  Xiisad siyaasadeed ayaa soo kala dhex gashay Maamulka Madaxweynaha Maraykanka Mr. Obama iyo Ra’isal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Khilaafka siyaasadeed ayaa yimid kadib markii Ra’isal wasaaraha Israel go’aansaday inuu khudbad ka jeediyo labada Gole ee Congress-ka Maraykanka, isagoo aan casuumad ka helin Xukumadda Washington, balse casuumada ka helay Afhayeenka Congress-ka.

Ugu yaraan 30 Xubnood oo ka mid ah Xisbiga Talada haya ee Maraykanka ayaa sheegay inaanay kulanka uu hadalka ka jeedinayo Benjamin Netanyahu aanay ka qayb galayn, sidoo kalena qaar kale ayaa sheegaya inaanay la dhacsanayn khudbaddiisa balse ay kulanka tagayaan.

Xukumadda Obama ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay inay socdaalka Benjamin Netanyahu ku joogo Maraykanka ay ka maqlaan Afhayeenka Congress-ka. Masuuliyiinta ayaan Xukumadda Obama ayaan la kulmi doonin Ra’isal wasaaraha Israel.

Khudbadda Netanyahu ayaa ku saabsan inuu cambaareeyo Heshiiska ay doonayaan Wadamada quwadaha caalamka lagu magacaabo inay Iiraan kaga joojiyaan Hubka Nuclear-ka ee ay farsamaynayso. Waxa uu ka soo horjeedaa in Iiraan laga fudaydiyo Cuno qabataynta islamarkaana ay Farsamaynta Hubka joojiso muddo 10 sanno ku siman. Waxa uu Congress-ka ku boorinayaa inay arrintaasi ka soo horjeestaan islamarkaana soo jeediyaan in Cuno qabataynta lagu sii adkeeyo Iiraan.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here