“Umadda Aan Ka Tirsanahay Oo Xaqeedii Siyaasiga Ahaa Maqan Yahay Ayaa Sababtay Inaan Xilka Iska Casilo” Barkhad Jaamac Xirsi

0
771

Hargeysa, (HargeisaPress) — Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Beelaha la hayb sooco, Bakhrad Jaamac Xirsi, ayaa warqaddiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo kadib markii uu muddo xilkaasi soo hayay. Arrinta Iscasilaadiisa waxa uu ku sababeeyay Bulshada uu ka tirsan yahay oo xaqoodii Siyaasiga ahaa ka waayay Xukumadda Siilaanyo.

“Umad dhan oo dunsan oo Xaqeedii siyaasiga ahaa maqan yahay ayaa keentay inaan Xilka iska casilo” ayuu yidhi Mr Barkhad, isagoo intaasi raaciyay “Xukumadda iyo Madaxweynaha Xilkii aan u hayay ayaan iska Casilay laakiin, Xisbigii Kulmiyie Golihiisa dhexe ee aan ku jiray wali iskamaan casilin, iyadana markaan munaasib u arko, umadda aan ka tirsanahayna talo iyo tusmo aan ka waydiiyo, Umadda reer Somaliland ee aan daneeyana kala tashado wixii ila haboon ayaan yeeli doonaa” ayuu saxaafadda u sheegay mr Barkhad.

Mudane Barkhad Madaxweyne Siilaanyo ayuu uga mahadnaqay wada shaqayntoodii  “Madaxweyne Maamus iyo sharaf ku waar waanan kaaga mahadcelinayaa wada shaqeynteeni muddada soo socotey ee macasalaama. Somaliland guul iyo gobonimo waarta shacabkeygow guuleysta waana igu balan ka shaqeynta daryeelka bulshada iyo danta guud, Gobey liico ha jabin.” Ayuu Mudane Barkhad ku yidhi Qoraal uu Bartiisa facebook ku baahiyay.

Waxa uu sheegay in Isku shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo sameeyay lagu bogsiiyay tabashooyinkii Beelaha Somaliland balse aan Bulshada uu ka soo jeedo waxba lagaga darin, arrintaasina keentay in cabashada Bulshadiisu ku badato isna go’aansado inuu xilka iskaga tago.

Iscasilaadiisa ayaa imanaysa iyadoo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale habeen hore iscasilay sidoo kalena la hadal hayo iscasilaad uu maagan yahay Wasiirkii xannaanada xoolaha Cabdi Awdaahir oo haatan loo badalay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here