Xasan Sheekh oo Shaaciyey Sababtii Uu Mukhtaar Roobow Ugu Soo-daray Xukuumaddiisa

0
698

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa waddanka Ingiriiska, ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan dhismaha dowladdiisa, gaar ahaan magacaabiistii Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay faahfaahin dheeraad ah ka baxiyey sababta uu Mukhtaar Roobow ugu soo daray dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa The Guardian u sheegay inuu aaminsan yahay in Mukhtaar Roobow uu ku qancin saaxiibadiisii hore inay ka soo baxaan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ujeedka ka dambeeya arrintan uu yahay in Al-Shabaab la tuso in aan la bahdili doonin ama la dhibaateyn doonin, haddii ay ka soo goostaan kooxda.

“Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka Al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin, aan si xun loola dhaqmin,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in muhiimaddu ay tahay Al-Shabaab lagala dagaalamo xagga fikirka, si loogu dhiirageliyo dhallinyarada ku jirta inay isaga soo baxaaan.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo hore uga mid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa 2017 isku soo dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna kadib isku sharraxay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana isaga oo musharrax ah laga soo xidhay magaalada Baydhabo, kadibna loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho oo lagu xidhay.

Magacaabista Mukhtaar Roobow oo ku soo baxay liiska Golaha Wasiirada ee Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo Soomaali ah, maadaama isaga oo maxbuus ahaa uu mar qudha isku beddalay Wasiir ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here