Faysal Cali Waraabe oo Ka Digay Tallaabo Uu Damac-sanyahay Madaxweyne Biixi

0
2543

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu eedaymo culus u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi in uu damacsan yahay oo uu ku socdo wadadii uu ku burburin lahaa Somaliland.

Waxaa uu sheegay in aragtida ay xukuumaddu ku doonayso in si toos ah loo doorto urruro siyaasadeed oo aan hore loo arag ay tahay talaabo waali ah.

Guddoomiye Faysal, ayaa waxaa uu sheegay in talaabadani ayna khatar ku ahayn xisbiyada mucaaradka ah, balse ay khatar ku tahay jiritaanka Somaliland.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa aad uga soo horjeeda in la soo hormariyo doorashada urrurada siyaasada, taasi oo sababtay in xisbiyadu ay kalsoonida kala noqdaan xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Biixi.

Hasse yeeshee, xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa ku adkaysanaysa in doorashada urruradu ay soo horayso, iyadoona doorashadii madaxtooyada dib loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here