Somaliland oo Hal Arrin Ku Boggaadisey Boqorka Imaaraadka Carabta

0
1807

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga aalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud, ayaa waxaa uu ku hambalyeeyey Boqorka dalka Imaaraadka Carabta horrumarka uu gaadhsiiyey bulshadiisa tan iyo markii ay xornimada qaateen.

Wasiir Ciise Keyd oo farriin ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayuu hambalyo ugu diray shacabka iyo madaxda dalka Imaaraadka Carabta munaasibada 51 guurada maalinta xornimada dalkooda.

“Waxaan u hambalyaynaynaa hoggaanka iyo shacabka Imaaraadka Carabta dabbaaldegga 51-aad ee Maalinta Qarannimada.” ayuu yidhi Wasiirka Ciise Keys.

“Waxa aad haysaa wax badan oo aad u dabbaaldegto, 51 sano gudahood waxaad ummaddaada u beddeshay xarun dhaqaale iyo dalxiis, adiga oo illaalinaya qiyamka iyo dhaqanka ee markii hore mideeyey dalkiina weyn.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga aalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here