Wefti ka socda Bahda Caddaalada Somaliland Oo Shir oo Caalamiya kaga Qayb Galay Wadanka Tanzania + SAWIRRO

0
1577

Moshi, TANZANIA (HargeisaPress) —Wefti ka socda Bahda Caddaalada Ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ka kooban 6 xubnood ayaa shir caalamiya kaga qayb galay magaalada Moshi Ee wadanka Tansaaniya.

Shirkaasi oo socon doona mudo 7 cisho ah  ayaa ujeedadiisu tahay sidii wax looga qaban lahaa halista budhcad badeeda Somalida ee ka qawlaysta gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya isla markaana si mug leh la isaga kaashan lahaa sidii dhinac looga wada noqon lahaa meelna la isugu gayn lahaa awooda iyo iskaashiga beesha caalamka si looga midho dhaliyo hawl galada lagaga hor tagayo.

Shirkaasi oo ay ka qayb galayaan Wafuud kala socota Beesha caalamka, waxaana Shirkaas lagu lafo-guraayey Halista iyo Dhibaatooyinka ay Budhcadbadeedu ay ku hayso Maraakiibta isaga kala goosha gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya waxyaabihii lagu falanqeeyay ee lagaga wada hadlay iyo wixii la iskula qaatay warbaahinta HargeisaPress uga waramay Ahmed Dalmar Isamail Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex waxa ku wehelinayay Shirkaasi 2. Jaamac Ahmed Abdirahman Agaasimaha Guud ee Cadaalada.3. Ibrahim Agaasimaha Waaxda Xabsiyadda wasaarada Cadaalada 4. Nimco Daahir Carab kuxigeenka xilaaliyaha Guud Ee Gobolka Maroodijeex 5. Qoorsheel Taliyihii hore Ee Xabsiga Dhexe Ee hargeysa.hadana ah Hogaanka qorshaynta Ciidanka asluubta 6. Mukhtaar Lataliyaha was Cadaalada Ee dhinaca capacity building-ka.

Dhamaan xubnahauagani sare Ku xusani waxay ka qayb galaynaa Shir lagaga hadlaayo budhcad badeeda iyo Cadaalada waa Shir caalami ah Waxay ku tageen passportka Somaliland oo Logu fiiseeyey madaarka Kilimanjaro international airport.

Ugu danbayntii Garsoore Dalmar ayaa sheegay in Somaliland wax balan qaad ah shirkaas ka heshay waxa uu kaga jawaabay “Shirkaasi taageera gaara awalbaanu shirar badan ka qayb galnay, taageeradaa iyo mucaawinooyinkaasina, waxaanu isla waafaqnay in lanaga taageero xaga maxkamadaha, xeer ilaalinta, ilaaladda xeebaha, ciidamada asluubta dhamaan in lanaga taageero waa la naga aqbalay kolbana sidii Illaahay ka dhigona way noqon laakiin waxba la naguma diidin.”

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here