“Wershaduhu waxay dhaqaaleheena ku kordhiyaan 2% Afrika marka la isku cel-celiyo”…

0
421

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Sacad Cali Shirre, ayaa sheegay inuu aad iyo aad u hooseeyo dhaqaalaha ay wershadaha dalkeena ku yaalla ku kordhiyaan dhaqaalaha dawladda.
Taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay 2%, halka wadamadda Afrika guud ahaanba marka la isku cel celiyo, 12% ay wershaduhu ku kordhiyaan dhaqaalaha qaarradda.
Wasiir Sacad Cali Shirre, oo hadal ka jeediyay furitaanka carwadda wax soo saarka wershadaha ee Somaliland oo maanta magaaladda Hargaysa laga furay, waxa uu tilmaamay in bulshadeenu ay dhaqan ahaan u leeyihiin ganacsiga marka laga hadlayo kumanaan sanno ka hor.
Iyadoona dadkii asal ahaan dhulkani deganaa kumanaan sanno ka hor ay la ganacsan jireen Faraacinadda, Masaaridda, iyo ilbaxnimooyinkii ka jiray barriga dhexe, sida ay taariikhdu sheegayso.
Hase yeeshee, wax soo saarka dhinaca wershadaha ayaan ka mid ahayn dhaqankeena, inkastoo la soo maray wakhti aynu isku filaanshiyo ku jirnay, kaasoo ah xiligii noloshii reer baadiyaha.
Basle arrimahaasi oo dhan ayaa ah kuwo hadda la soo dhaafay, isla markaana wakhtigan la joogo wadan walba horuamrkiisa waxaa lagu qiyaasaa wershadihiisu intay yihiin ama inta ay dhaqaalaha ku biiiriyaan.

Waxaana wadamadda horumaray dhaqaale ahaan lagu tilmaamaa kuwa leh wax soo saarka wershadaha, halka wadamadda danbeeyama ama dunidda saddexaadna loo yaqaanno kuwa aan wershadaha lahayn.
Geesta kale wasiir Sacad, waxa kaloo uu sheegay wakhtigan la joogo ay Somaliland u baahan tahay wax laga bedello arinta ah in wershaduhu ay dhaqaalaha dawladda ku kordhiyaan 2%, isla markaana la isku dheeli tirro waxaynu dhoofino iyo waxa aynu soo dejisano.
Waxaanu xusay wasiirku in si la isugu dheeli tiro waxyaabaha aynu dibadda kala soo degno iyo waxyaabaha aynu dhoofino, waxaa loo baahan yahay in aynu samayno wershado aynu kaga maarano waxaynu la soo degno.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here