“Waxaanu diyaar u nahay in aanu difaacno dalka iyo dadka Somaliland”…

0
588

Hadaftimo (Hargeisa Press.com): Ciidamadda qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay gobolka Badhan gaar ahaana Hadaf-timo  ayaa iska fogeeyay in aanay qayb ka ahayn kuna raacsanayn ciidamo dhawaan ka goostay degaankaasi oo u galay Puntland.

Ciidamadan fadhigoodu yahay Badhan kana tirsan guutadda 117-aad ee qaybta saddexaad ee ciidamadda qaranka Somaliland oo maanta dhoola-tus ciidan sameeyay waxay sheegeen in ciidankii goostay aanay iyagu ku taageersanayn go’aankoodii.

Taliyaha ciidankaasi gaashaanle sare Bashiir Maxamed Xujaale, ayaa dhoola-tuskaasi kadib warbaahinta u cadeeyay in ay ciidan ahaan ka go’an tahay sidii ay u difaaci lahaayeen dalka iyo dadka Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here