“Waxaa muuqata saan-saan ah in is-faham laga gaadhay doorashooyinka”…

0
531

Hargaysa (HP): Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, ayaa sheegay in ka gole ahaan ay diyaar u yihiin  qabashada doorashooyinka golaha Wakiiladda iyo goleyaasha degaanka.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, waxa uu tilmaamay in xukuumadda iyo goleyaasha qaranka ay ka shaqaynayaan sidii loo qaban lahaa doorashooyinka.

Waxaanu intaasi ku daray in gogashii uu u fidiyay madaxweynuhu xisbiyadda mucaaradka ay weli u taalo.

Waxaanu yidhi, “Waxa muuqata saan-saan wanaagsan oo xukuumadii iyo goleyaashii qaranka ay ka shaqaynayaan siina xoojinayaan is-faham in laga gaadho qabashada doorashooyinka golaha Wakiilada iyo golaha degaanka.

Waxaana madaxweynuhu ku dhawaaqay in arrimihii doorashooytinka qabashadaooda laga shaqaynayo iyo in gogashii uu u fidiyay madaxweynuhu xisbiyadda mucaaradka ay sideedii ay u taalo”.

Xildhibaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha, isagoo hadalka sii watay waxa uu yidhi, “Golaha Wakiilada malaha muddo kordhinta loo sameeyay ee labadii sanno ee laysku haystay Koomishanka Doorashooyinka sababta Xisbiga Waddani ayaa lahaa.

Anagu diyaar waxa aanu diyaar u nahay hadaanu nahay Golaha Wakiilada oo aanu soo dhawaynaynaa farsamo ahaan iyo Sharci ahaan marka ay dhamaato qabashada Doorashooyinka in laga qayb galo”.

Sidoo kale Siciid Maxamed Cilmi ayaa waxa uu Sheegay in dalku marayo meel Wanaagsan.

“Markaa guud ahaan dalka eego Waxa aan qabaa in dalku marayo xiligii ugu Wanaagsanaa ee Maaliyadda nidaamkii ugu Wanaagsanaa marayo iyo arrimaha dhaqaalaha ay marayaan meel Wanaagsan. Markaa rejo wanaagsan ayaan qabaa”ayuu yidhi xildhibaanku.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here