“Waxa Wanaagsanayd In Xukuumaddu Hoggaamiso Dibed-bax Salmi Ah, Innaga Oo Leh Waxaanu U Gargaaraynaa Quddus….” Sheekh Aadan-Siiro

0
905
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro)

Hargeysa, (HargeisaPress) — Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Go’aanka uu Madaxweynaha Maraykanku ku sheegay in Magaalada Quddus ee uu ku yaallo Masjidka Baraysan ee Al-aqsa tahay Caasimadda Dawladda Yuhuudda ee Isreal.

Sheekha oo Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Taariikhda Quddus iyo Masaajidka barakaysan ee Al-aqsa, ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in Shacabka Somaliland oo Masuuliyiinta Dawladdu hor-kacayaan sameeyaan Isku soo baxyo ay ku muujinayaan inay ka soo horjeedaan Go’aanka Madaxweynaha Maraykanku uu Quddus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel, kuna barbar istaagayaan Muslimiinta reer Falastiin ee uu Dhulkooda ku yaallo Masjidka barakaysan ee Al-aqsa ee hadda Yuhuuddu doonayso inay rasmi ahaan ula wareegaan.

Sheekhu wuxuu sheegay in Maraykanku aanu go’aankaa qaateen haddii aanu taageero ka haysan Sucuudiga, gaar ahaan Wiilka uu dhalay boqorka Sucuudiga ee Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo uu sheegay inuu Maraykanka heshiis la galay, waxaanu yidhi “Waa dhacdo ku cusub inta dareenkooda Diineed nool yahay ee garanaysa in Aakhiro tahay halka lagu dhamaanayo, in Maanta la yidhaahdo Quddus waxay Caasimad u tahay Isreal, maxaa keenay Maanta in Ninkaa kor u kaadshay ee aan ILAAHAY aqoonin ee aan Bani-aadam aqoonin. Sunnaha ILAAHAY kuma jirto in Qof keliya uu yidhaahdo Aniga ayaa Adduunyada sidaan doonayo ka yeelo, hadday dhacdana waa Fadriyad yar oo kooban.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Maxaa keenay In inankaa yar ee Maraykanka hor-fadhiistaa (Trump) in muddadaa yar ee uu joogo ku dhiirado inuu yidhaahdo Quddus ayaan ka dhigay Caasimad ay Isreal leedahay ? waxa keentay Inanka yar (Maxamed Bin Salmaan) ee Sucuudiga hor-fadhiya ee 31 jirka ah Cidna kuma weheliso gogol-xaadhka ah in Isreal bariga dhexe Qayb qabsato, isagoo waxa uu taa siistay tahay in Kursiga lagu hayo, Walaaladii iyo Dadkii Sucuudiga dhisayna uu wada gumaado, kaasi waa heshiiska ay galeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay wanaagsan tahay in Dadweynaha reer Somaliland dibed-bax ku ku muujiyaan inay garab taagan yihiin Masjidka Al-aqsa ee Magaalada uu ku yaallo ee Quddus uu Maraykanku u aqoonsaday Caasimadda Israel “Waxa wanaagsanayd Xukuumadda oo hoggaamiso Dibed-bax Salmi ah oo aynu Berri (Maanta) ama Sahan dambe iskugu nimaadno Fageerayaasha Magaalooyinka Dalka, innaga oo leh waxaanu u gargaaraynaa Quddus innaga oo waxba dhibayn, laakiin aynu nidhaahno iimaanka inta ugu diciifsan ee ah Quddus waanu barbar taaganahay iyo Dadka Muslimiinta ah ee Madluumiinta ah, haddii intaas ay Maamulkeenu fahmi waayaan bal in Qof kasta uu Qoraal ku baahiyo baraha Bulshada.”

Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu u duceeyay Hooyo Magaceedu yahay Xaliimo Ismaaciil Xirsi Geelle oo uu sheegay inay ka codsatay in Dhul deyran oo ay Dhaxal u heshay inuu ka dhiso Masaajid ama wax kale oo khayriya, ka dib markii buu yidhi ay u diidday inay ku iibiso lacag ka badan laba boqol oo kun oo Dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here