Wasiirka Waxbarashadda JSL iyo Jaamacad Sacuudiya Oo Heshiis Kala Saxeexday

0
340

Jidda (HP): Wasiirka wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudiga, ayaa maanta kulamo la qaatay qaar ka mida jaamacadaha dalkaasi Sucuudiga.

Wasiir Axmed Maxamed Toorno, iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maalmahan ba safar shaqo ku jooga dalka Sucuudi Carabiya.
Kulankaasi waxaa wasiirka ku weheliyay u qaybsanaha Arrimaha Carabta ee wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Axmed Shariif.
Wasiirka Waxbarashadda Somaliland iyo xubnaha weftigiisa oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa Jaamacadahaasi ay kulamada la qaateen waxa ka mid ahayd Jaamacadda Tiknoolajiga ee Sacuudi Carabia.

Taasoo wasaaradda Waxbarashadda Somaliland taariikhdu markay ahayd bishii March 2020-kii, kula heshiisay in ay Laan ama Farac, jaamacaddaasi ka mid ah laga furo Somaliland.

Iyadoo na lagu dhisayo Faraca jaamacaddaasi maalgelinta caalamiga ah, oo ay Hargeysa ku yeelanayso. Hase ahaatee, waxaa taa hakiyay markii ay dhacday ama bilaabantay xanuunkii aafadda ahaa ee COVID-19-ka, awgeed oo uu hiig-sigaasi u hir-geli waayay.

War laga soo saaray kulanka weftiga wasiirka Waxbarashadda JSL iyo jaamacadahaasi ayaa lagu sheegay in iyada oo laga shidaal qaadanayo heshiiskaasi hore ayaa waxay labadda dhinac isla qaateen in la sii amba-qaado heshiiskii mab-di’iga ahaa ee la gaadhay sanadkii 2020-kii sidii loo fulin lahaa.

Waxaana lagu sheegay warka ka soo baxay kulanka labada dhinac ee wasaaradda waxbarashadda Somaliland iyo Jaamacada Technology-yada dalka Sacuudi Carrabia, in dhawaan uu dalka Somaliland iman doono wefti ka socda Jaamacadda Technology.

Kaasoo la filayo inuu wax weyn ka tari doono baahida iyo horumarinta xirfadaha Farsamadda Gacanta ee ay qabto Somaliland.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here