Kulan Dhexmaray Wasiirka Daakhiliga JSL iyo Wakiilka UK U Qaabilsan Somaliland

0
336

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Dawladda Boqortooyadda Ingiriiska u qaabilsan jamhuuriyadda Somaliland.


Kulankan uu wasiirka Daakhiliga Somaliland la qaatay weftigan ay hogaaminaysay Mrs. Lizzia Walker, oo ah wakiilka Dawladda Ingiriika u qaabilsan JSL, waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

War qoraal ah oo ay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ka soo saartay kulankaasi ayaa lagu sheegay in wasiirka, iyo weftigan ka socday UK, diiradda lagu saaray arrimo kala duwan.


Kuwaasoo ay ka mid tahay sidii loo sii wadi lahaa xidhiidhka wadaashaqayneed, iyo saaxiibtinimo ee ka dhexeeya JSL, iyo dawladda Ingiriiska.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa ujeedadiisu ahayd is xog-waraysi ay kala qaadanayeen labada dhinac.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here