Wasiirka Shaqo Gelinta Oo Ka Warbixisay Safar Ay Ku Tagtay Itoobiya

0
973

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland Hinda Jaamac Xirsi, ayaa ka warbixisay  safar wefti ay hogaaminaysay ay mudooyinkan ugu maqnaayeen dalka Itoobiyo.

Sidoo kale wasiir Hinda, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uga mahad celisay xubno  haween ah oo uu dhawaan xilal kala duwan u magacaabay. Iyadoo dhinaca kale na ka jawaabtay hadalo ka soo yeedhay xisbiyadda mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani.

Hinda Jaamac Xirsi, oo maanta  shir  jaraa’id ku qabatay xafiiskeedda ayaa ugu horayn faahfaahin ka bixinaysay  socdaalkii ay ku tagtay Itoobiya waxyaabihii uga soo qabsoomay, waxaanay tidhi  “Safarkaasi waxa uu ku saabsanaa arrimaha shaqadda oo keliya.

Waxaanu soo indha-indhaynay, una kuurglanay, in aanu soo sahamino qaab kasta oo bulshadda reer Somaliland ay ku heli karaan ama shaqo abuur ama xuquuq markay shaqadda ka fadhiistaan iyo in la dar-dar geliyo qaabka shaqadda loo siinayo muwaadiniinta reer Somaliland”.

“Goobihii aanu ka qayb galnay waxaa ka mid ahayd hay’adda maamusha shaqaalaha shaqadda ka fadhiista ee Itoobiya,  oo dalab aanu u gudbinay naga qabashay. Kadib na aanu wada yeelanay kulan xog waraysi ah, oo meello badan taabayay”ayay tidhi wasiir Hinda Jaamac Gaandi.

Geesta kale wasiirka shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland waxay  ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga UCID oo duray haweenka Somaliland. “Waxaan doonayaa in aan ka jawaabo hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, hadalkaasoo aan u arko inuu meel ka dhac ku yahay ama aanu qabanin haweenka Somaliland.

Waa nasiib darro in maanta nin doonaya in uu haweenka codkoodda kursiga ku fadhiisto, uu garan kari waayo, waxay mudan yihiin haweenku waa ayaan darro”ayay tidhi wasiir Hinda Gaandi.

Iyadoo hadalka sii wadatay na waxay tidhi “Waxaan Injiineerka leeyahay, anigoo  ixtiraam badan iyo sharaf u haya, hablaha reer Somaliland waa kuwa aniga ku dhalay, ee ku koriyay, wax ku baray, ee ku bar-baariyay, in ay qiimo leeyihiin iyo in kale intaas oo keliya ayaa kuugu filan”.

Sidoo kale wasiirka shaqo gelintu waxay ka jawaabtay  hadal ka soo yeedhay xoghayaha cadaaladda ee xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, kaasoo ay hadalkiisa ku tilmaantay mid ay ka muuqatay aqoon darro.

Wasiir Hinda, oo u jawaabaysay xoghayaha Waddani waxay tidhi “Waxa kaloon ka jawaabayaa hadal ka soo yeedhay Hal-door Barkhad, runtii waa ayaan darro haddii Somaliland qof aqoonta sheeganaya iyo qofka jaahilka ah,  ee aan aqoonta lahayn, aragtidooda iyo hadalkoodu uu isku hal kelmad yahay, waa ayaan darro runtii.

Waxaana wax lala yaabo ah, waxyaabaha la dhaliilo astaanta qaranku kuma jirto. Qofku wuu dhaliili karaa shaqo socota, laakiin ma odhan karro calanku wuu qaldan yahay. Xisbiyadda mucaaradku waxay u abuuran yihiin in ay wax saxaan, sixitaankii ayaana wuxuu ka lumay dariiqii ay lahayd”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here