Wasiirka Maaliyadda Oo Warbixino Ka Dhegaystay Agaasime Waaxeedyadda Wasaaradaasi

0
332

Hargaysa (HP): Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa maanta warbixino ka dhagaystay Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradaasi.
Warbixinahaasi ayaa ku saabsanaa waxqabadka wasaaradda ee sanadkii tegay ee 2021-ka oo loo soo qaybiyay waax-waax kasta iyo wixii u qabsoomay.
Kulankan oo ah sanadle, waxa ay ujeedadiisu ahayd sidii loo qiimeyn lahaa waxa Waax walba uga qabsoomay qorshaheedii.

Iyadoo Agaasime waaxeedyadda mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay war-bixin ku aaden wixii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, wixii qabsoomi waayey iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen.
Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali, oo kulanka soo xidhay ayaa guud ahaan masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sidii weynayd ee ay iskaga xilsaareen meel-marinta waajibaadkii sanadlaha ahaa ee u yaalay.
Waxaanu kula dardaarmay inay isu diyaariyaan fulinta qorshe-hawleedka sanadkan cusub ee 2022-ka, taas oo ay ugu weyntahay ka midho-dhalinta ku-talo-galka dakhli ee Dawladda oo ka badan kii sanadkii hore.

Ugu danbayn, Wasaaradda Maaliyada JSL ayaa le qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano oo ah khariidadda ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana sedexdii biloodba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here