Guddoomiyaha SOLJA Oo Abaalmariyay Saxafi Duubay Muuqaal Bulshadda Soo Jiitay

0
386

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland Sekeriye Axmed Muxumed, ayaa manata abaalmarin guddoonsiiyay weriye Cali Fahad, oo shalay duubay muuqaal si weyn u soo jiitay bulshadda reer Somaliland.
Weriye Cali Fahad, ayaa muuqaalkani ka duubay fagaaraha beerta xoriyadda Hargaysa oo ay shalay isugu soo baxeen kumanaan shacab ah oo banaanbax ku muujiyay taageeradoodda doodii uu dhawaan baarlamaanka UK hor geeyay xildhibaan Gavin Williamson.
Muuqaalkaasi oo ay ka dhex muuqdeen askar ka tirsan ciidanka booliska Somaliland oo taagan halkii isku soo buxu ka dhacayay, iyadoo la damaashaadayay shacabkii goobta joogay.
Askartaasi oo ka koobnaa shan qof ayaa kadib markii muuqaalkaasi oo si weyn ugu faafay baraha bulshadda ee Internet-ka, waxa uu noqday mid si aad u soo jiitay dadweynaha.
Kaasoo sababay in isla xalayba uu taliyaha ciidamadda boolisku derejooyin u kordhiyay shantaasi askari.
Iyadoo arrintaasi laga jawaabayo ayaa guddoomiyaha ururka SOLJA Sekeriye Axmed Muxumed, waxa uu isna maanta abaalmarin guddoonsiiyay saxafigii muuqaalkaasi duubay.

Daawo: guddoonsiinta Abaalmarinta Ee Saxafigaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here