Wasiirka Horumarinta Beeraha oo Kulan La Qaatay Safiir Ku Xigeenka Jarmalka U Fadhiya Kenya Iyo Qodobada ay Ka Wada Hadleen

0
904

Hargeysa , (HargeisaPress) —Wasiirka horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa xarunta wasaaradda kulan kula qaatay wefti uu hoggaaminayo safiir ku xigeenka Jarmalka u fadhiya dalka Kenya Mr. Marius Rauh.

Shirkan oo ay wasiirka horumarinta Beeraha ku wehelinayeen Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacas) iyo xubno ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda ayaa ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen, iyada oo markii uu dhamaaday waxa warbaahinta la hadleen wasiirka iyo safiir ku xigeenka, iyaga oo ka warbixiyey ujeedada kulankooda.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland ayaa markii uu kulankaasi dhamaaday warbaahinta la hadlay, waxaanu yidhi “Maanta waxa nagu soo booqday wasaaradda houmarinta beeraha safiir ku xigeenka Jarmalka iyo wefti uu hoggaaminayo, waxaanu ka wadahadalnay mashaariicda ay dalka ka wadaan ee ay wasaarad beere ahaan nagala shaqeeyaan iyo wixii dambe ee imanaya sidii aanu uga wada shaqayn lahayn”.

Safiir ku xigeenka Wadanka Jarmalka u fadhiya Kenya ayaa dhankiisa ka waramay kulanka ay la yeesheen wasiirka horumarinta beeraha, waxaanu yidhi isaga oo warbaahinta la hadlay “Jarmalku aadbuu ugu faraxsan yahay inuu Somaliland ka caawiyo mashaariico la xidhiidha joogtaynta khayraadka maamulka Dhulka iyo biyaha, gaar ahaan mashruuca Biyo qabatinka Biji, waxaanan rajaynayaa in mashruucaasi noqdo mid guulaysta”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here