Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo oo Gaadhay Jigjiga

0
1130

Jigjiga (Hargeisa Press) – Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Muxummed Caateeye iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wefdigan uu hoggaaminayo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ee gaadhay magaalada Jigjiga, ayaa ka kooban xildhibaanno iyo salaadiin reer Somaliland ah.

Waxaa wefdiga magaalo-xuduudeedka Tog-wajaale ku soo dhaweeyay Wasiirka Xafiiska  Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Dr. Xuseen Xaashi Qaasim iyo Wasiirka Xafiiska Caafimaadka Dr. Muuse Axmed.

Socdaalka wefdigan uu hoggaaminayo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, ayaa daaran xoojinta amniga labada bulsho iyo in lasii adkeeyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomalida.

Sidoo kale, wefdigan, ayaa waxaa ay ka qayb-gali doonaan shir bulsho oo uu hoggaaminayo Ugaas Mustafe Maxammed Ibraahim oo maalinta berri ah ka qabsoomi doona degmada Ayshaca ee gobolka Siti.

Shirkaasi, ayaa waxaa ka soo qeyb-gali doona ergooyin ka kala socda Jabuuti, Soomaaliya iyo Deegaanka Soomaalida, iyada oo shirkaasi lagaga wadahadli doono waxyaabo dan u ah bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here