Wasaaradda Shaqo Gelinta oo Soo Gebagabaysay Carwadda Shaqo Abuurka Dhalinyaradda

0
573

Burco (Hargeisa Press)- Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa maanta magaaladda Burco ku soo gebagabaysay Carwada shaqada ee sanadkan 2022-ka oo muddo laba maalmood ah ka socotay xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Carwadaasi shaqo oo ay soo abaabushay wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland waxa ay kulmisay in ka badan 30 loo-shaqeeye oo isugu jiray shirkado, baanan iyo haayado maxali ah iyo kuwo calami ahba iyo dhalinyaro shaqo doon ah oo gaadhayay in ka badan 2, 000 oo dhalinyaro shaqo doon ah.

Ujeedooyinka guud ee carwadan loo agaasimay waxa ka mid ahaa, in la isu-xidho dhalinyarada shaqo doonka ah iyo loo-shaqeeyaha, si loo abuuro fursado shaqo-gelin, shaqo-carbin, maalgelin iyo xogo la xidhiidha suuqa shaqada.

Carwadaasi waxaa shalay si rasmiya u furay wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Mustafe Maxamed Cali, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi, sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland.

Maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, iyo boqolaal dhalinyaro oo shaqo doon ahaa, iyo sidoo kale qaar ka mida shirkadaha waaweyn ee dalka, ganacsato, haayado caalami ah, kuwo maxali ah iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta iyo arrimaha qoyska Somaliland oo hadal ka jeediyay xidhitaankii carwadaasi ayaa ka warbixiyay sababta ay u doorteen in sanadkan ay carwadda shaqadda Somaliland ku qabtaan magaaladda Burco.

Waxaanu sheegay in wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ay dhalinyaradda la wadaagtay Xirfadda u diyaar garow-ga Suuqa Shaqadda si dhalinyaradu fursadaha suuqa u fahmaan ugana faa’iidaystaan.

Wasiirku waxa uu xusay in carwadaasi ay ka soo qayb galeen in ka badan 30 shirkadood, oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Somaliland ka jira. Kuwaasoo isugu jiray shirkadaha isgaadhsiinta, Laydhka, ganacsiga, iyo dhamaanba shirkadahoo dhan. Waxa kaloo ka soo qayb galay ilaa 2000 oo arday oo shaqo doon ahaa.

Xidhitaankii maanta ee Carwadaasi ayaa wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland waxay ka soo saartay war-murtiyeed ay ku faahfaahisay waxyaabihii laga faa’iiday labadii maalmood ee ay socotay.

Qodobadii war-murtiyeedkaasi ku qornaa waxaa akhriyay wasiirka shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland Mustafe Godane.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here