Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Oo Soo Xidhay Shir Saddex Maalmood U Socday Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka

0
833

Hargeysa,(HargeisaPress)—Shir muddo saddex maalmood ah uga socday Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo hoostagta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa laga soo saaray qorshayaasha la doonayo in lagu shaqeeyo sannadkan bilawga ah ee 2020 Insha Allaah.

Shirkan ka socday hudheelka Royal Palace ee Caasimadda Hargeysa, lana soo xidhay maanta/shalay, waxa ka qaybgalay Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, Agaasime-waaxeedyada, hawlwadeennada iyo Injineerada Hay’adda Horumarinta Waddooyinka, iyadoo muddada shirku socday lagu falanqeeyey waxyaabihii laga bartay hawlaha la qabtay sannadkii la soo dhaafay ee 2019 iyo qorshayaasha dhinaca horumarinta waddooyinka ah ee la dejiyey in la qabto sannadkan 2020.

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Axmed Yuusuf Axmed oo hadal ka jeediyey xidhitaanka shirkaas saddexda maalmood ah socday, ayaa sheegay in muddada uu shirku socday lagu falanqeeyey horumarka dhinaca dhismaha waddooyinka ah ee la hiigsanayo in laga hirgeliyo Somaliland iyo qaabka ay Wakaalad ahaan doonayaan inay u shaqeeyaan sannadkan bilawga ah ee 2020-ga.

“Si loo qeexo, loona dabo-galo, maamul-daadejinna loogu sameeyo qorshihii sannadka oo masuuliyadeeda la qaybsado, cid walba shaqada halka ay ka leedahay ay ka qabsato ayey ahayd ujeedada shirku. Sida aan la soconno hawsha aynu hayno iyo shaqada aynu qaranka u haynaa waa hawl ballaadhan oo hal-bawlayaasha iyo waddooyinkii dalka oo dhan ayeynu maamulaynaa oo aynu gacanta ku haynaa, waxaanna la doonayaa in aynu habeen iyo maalinba soo jeed ahaanno oo aynaan seexan, maadaama aynu gacanta ku hayno dhismaha kaabayaashii qaranka oo dhan,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

 

Waxaannu intaas ku daray; “Sidaa darteed, waxa uu shirkaasi guulo badan ku gaadhay oo aan ku farxi karaa in ay ka soo qaybgaleen waaxo u tabobaran ama aqoon buuxda u leh qaabka ay u fulinayaan shaqooyinkaas kala duduwan ee ay hayaan ama ay u cayimman yihiin, iyadoo ay wixii intaas ka dambeeyaana noqonayso in shaqadii si toos ah loo bilaabi haddii Ilaahay yidhaahdo, dabo-galkeedii iyo kormeerkeedii oo keliya uu ka hadhay, balse qaab-dhismeedkeedii oo dhan qorshaha sannadkan 2020 uu sidaas ku qeexan yahay.”

Eng. Cabdiraxmaan Jaamac oo ka mid ah Injineerada Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa isna yidhi; “Runtii, waxa uu ahaa shir uu qofkastaaba xor u yahay inuu soo bandhigo wixii uu isagu dareensan yahay iyo wixii uu u arko intaba, waxaanan run ahaantii anigu dareemayey inuu yahay shir aad mooddo inuu ka horumarsan yahay shirarka inta badan lagu yaqaan dalalka Adduunyada Saddexaad oo uu ahaa shir leh hab-dhismeed simman oo la wadahadli karo Wasiirka, Maareeyayaasha ilaa qofka ugu hooseeya xaga shaqada, markaa waxa shirkaas faa’iidadiisa ka mid ahayd in la eego waxyaabihii tegay, lana soo bandhigo waxyaabaha lagu talogalay in la qabtay sanandka 2020 (Insha Allaah), iyadoo laga duulayo waayo-aragnimada sannadkii 2019-kii.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo shirkaas soo xidhay, ayaa sheegay in Wasaarad ahaan iyo Hay’adda Horumarinta Waddooyinku isla qorsheeyeen in sannadkan bilaabmay ee 2020 la dhiso 63km oo ka mid ah jidka isku xidhaya Ceerigaabo iyo Burco.

“Waxyaabaha aynu halkan isla qaadanay markii aynu innagu shaki la’aan is-qancinnay waxa ka mid ah qorshayaasha aynu dhiganay. Waxa aan rajaynaynaa in qorshaha sannadkan 2020 ama hawl-qabadku waxa uu ka ballaadhnaan doonaa kuwii hore oo waa mashruuc aad u ballaadhan, iyadoo aynu sannadkan mashaariic ballaadhan Ilaahay ka rajaynayno inay inoo hirgalaan Insha Allaah, waxaanna ka mid ah in aynu isla qaadanay in aynu dhisno  63km oo ah mashruuca dhismaha waddada Ceerigaabo sannadkan 2020 (Insha Allaah), markaa sidaa aynu isla qaadanay oo ummadduna innagula xisaabtamayso ayeynu innaguna isla xisaabtami doonaa,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor.

Waxaanu intaas ku daray; “Waxa aynu ku rajo qabnaa in sannadkan aynu wax weyn ka qabanno mashruuca ballaadhan ee Berbera Corridor (dhismaha jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale) oo imminka inoo socda labadiisa weji ee ah inta u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera, markaa waxa aynu ku leenahay talo iyo kormeer. Waxa kaloo aynu sannadkan 2020 sida ku qornaa qorshaheenna in la dhiso jidka culayska lagaga duwayo Hargeysa ee qaybta ka ah Berbera Corridor (Hargeisa Bypass) oo ah 22km, lagana dhisi doono Hargeysa oo wax badan ka tari doona culayska saxmadda gaadiidka magaalada haystay oo gaadiidka dhaafaya Hargeysa waxay mari doonaa jidkaas cusub (Hargeisa Bypass) Insha Allaah. Waxa kaloo ay ku taxan yihiin qorshaha qaranka labaad (NDP2) oo lagu daray in la dhimo saxmadda gaadiidka (traffic jam) magaalooyinka dalka.”

Wasiir Cabdillaahi Abokor, ayaa sidoo kale in sannadkan cusub ee bilawga ah uu noqon doono mid si adag la iskula xisaabtamo, la isna qiimeeyo, isagoo ku baaqay in lagu dedaalo sidii qorshayaasha la dhigay sidooda loogu hirgelin lahaa.

“Sannadkan 2020 waxa hal-ku-dheg inoo ah oo waa sannadkii innoogu adkaa qiimaynta iyo is-dabo-galka aynu samaynaynay, haddii ay noqoto khayraadka (resource) aynu haysanno sida loo maamulayo, markaa waxa aan rajaynaynaa in Insha Allaah uu Ilaahay dhammaanba inoo suurtogeliyo, waxaannu dardaarankaygu yahay xil iyo masuuliyad ayeynu halkan ka qaadnay, qorshe ayeynu dhigannay, markaa in aynu sideeda uga soo baxno, qofkii ka gaabiyaana  dee waynu isla xisaabtamaynaa,” ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here