Wasiirka Degaanka Somaliland Oo Ka Hadashay Olole Dhir Beeris Ah Oo Ka Bilawday Hargeysa iyo Berbera + SAWIRRO

0
1024

Hargeysa, (HargeisaPress) — Qaybinta ilaa boqol kun oo geed oo laga beerayo gobolada Maroodijeex iyo Saaxil ayaa ka bilawday Hargeysa. Arrintan ayaa qayb ka ah dhir beeris wasaaradda degaanku samayso wakhtiyada roobka ee Dayrta iyo Gu’ga, waxaana Dhirtaasi la siinayaa cid kasta oo haysata meel ay ka beerto.

DHIRTA BE

Wasiirka degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ujeedada Ololahan ku sheegtay  sidii dhirtan loogu bedeli lahaa dhirta bulshadu goynayso ee loo jaro shidista dhuxusha ama ujeedooyinka kale oo ay tilmaantay inay aafo balaadhan tahay.

“Waxaanu isleenahay dhirtan ku bedela dhirta maalin walba la goynayo ee aafada lagu hayo ee dhuxusha loo shidanayo ee xaabada loo shidanayo ayaanu isleenahay bal inaad soo kabi kartaan laakiin, wax la soo kabi karo maaha,” ayay tidhi Marwo Shukri Baandare.

DHIRTA HAR BE

Wasiirka oo sii hadlaysa ayaa ka hadashay tirada dhirta ay qaybinayaan “ Ololahan oo socon doona 10 maalmood Waxaanu ugu talo galnay inaanu beerno ugu yaraan 80,000 Geed ugu badnaana boqol kun oo geed ka baxaan magaalada. Waxa lagu beerayaa, masaajidada, Iskuulada, xarumaha dawladda iyo cid allaale cidii u baahan oo aanu siin doono,” ayay tidhi wasiirku.

dhirayn

Wasiirka degaanku waxay sheegtay in dhirta laga qaybinayo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, islamarkaana labadaasi magaalo laga beerayo cidii meel ka baxsan ka beeraysana la siin doono.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here