Saxaafadii Maydhantay: Wuu Dhistay..Guribuu dhistay..Cukusaa Dhistay!

0
789

Asalaamu Calaykum, Weriyihii Sheeko-xume ee intuu dhukusay oo uu Kamarad yar qaatay, oo guri yar oo meel ku yaalla intuu soo sawiray ka dibna Website yada iyo laamaha Warbaahinta intuu Sawirradii ku daadiyay ee Bulshada u sheegaya waa Gurigii Cukuse dhistay ka warrama? Ma warbaa waxaasi ? Waxaabad moodaa inuu weriyahaasi iska dhigayo inuu Siro Qaran oo Culus uu helay!
Hadiiba ay xataa jirto in Gurigaas uu Cukuse dhistay goormay Xaaraan noqotay in guri la dhisto! Miyaanuu ahayn Qof nool oo guri dhisan kara? Miyaanuu shaqaysanayn sanado aad u badan oo aanuu Arsaaqad lahayn, ehel iyo Asxaab miyaanuu lahayn caawin karta dhaqaale ahaan haduu u baahdo? Run ahaan Suaalo badan ayaa u baahan inuu Weriyuhu is weydiiyo inaanuu Bulshada war lagu qoslo la hor iman

Dabcan bulshada reer Somaliland Aniga iyo Cukuse naguma tilmaanto Niman aad u saaxiib ah, balse taas cakiskeed waxay noo yaqaanaan inaanu nahay niman Biyo hoostood iska harraatiyay oo aan isku san-banaanayn, si kasta oo ay tahay waxaa muhiim ah in aynu markasta tilmaano waxa khaldan iyo sida loo sixi karo, sidoo kale waa inagu Waajib in Saxaafada Khaladkeeda aynu u tilmaano si ay inooga joojiyaan waxa ay Wararka ku sheegayaan ee ay Bulshada usoo bandhigayaan.

Weriyahan Guriga soo sawiray waxa uu ka baaqsaday inuu ina tuso caddaynta Guriga cida leh, lacagta lagu dhisay xagay ka timi, caddaymaha uu hayo in hanti Qaranka laga dhacay guriga lagu dhisay….iyo wixii kale ee caddaymo ah ee uu hayo in dembi la galay oo Musuq-maasuq lagu kacay.

Guri yar oo meel ku yaalla hadaad soo Sawirto oo aad tidhaa Hebel ayaa dhistay wax Ummad lala hor yimaado maaha. Qof kasta oo inaga mid ahi guri Qurux badan wuu soo sawiri karaa qofna wuu magacaabi karaa uu ku sheego inuu dhistay. Waxaa loo baahan yahay in saxaafadu ay noqoto mid ummada Wararka xaqiiqda ah ee hufan usoo gudbisa.

Waa waajib in dhamaanteen aan ka hor tagno Musuq-maasuqa iyo wax is daba marinta, haseyeeshee waa in caddaymo buuxa loo hayaa eedayn kasta oo la jeediyo, waxaana haboon in laga fogaado ku tidhi-kuteenka iyo huuhaada aan xaqiiqda ku fadhiyin.

 

 

Somaliland ha Guulaysato

Amb. Kaysar Cabdilahi Maxamed

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here