Wasiirka Dastuurka JSL Oo Xadhiga Ka Jaray Madarasad Laga Hirgeliyay Caynaba

0
126

Caynaba (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa xadhiga ka jaray Mederesad laga hirgeliyay magaaladda Caynaba.

Xadhig ka jarka Mederesadaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay wasiirka waasaaradda Diinta Awqaafta Somaliland Shiikh Cabdirisaaq Xuseen Al-baani.

Madarasadani oo lagu baranayo Quraanka Kariimka ah ayaa loogu talo galay in ay wax ka bartaan dadka Agoonta ah ee ku dhaqan magaalada Caynaba, ee xarunta gobolka Saraar.

Waxaana Madarasadaasi dhismaheedda hirgeliyay dad muxsiniin ah oo ku nool dalalka dibadda.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka Dastuurka JSL oo hadal ka jeediyay xadhig ka jarka Madarasadaasi ayaa u mahad celiyay dadka muxsiniinta ah ee dhisay Madaradaasi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here