Wasiirka Dastuurka JSL Oo Ka Qayb Galay Qalin Jebinta Jaamacadda GOLIS Faraceedda Caynaba

0
207

Caynaba (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa ka qayb galay munaasibad loo sameeyay arday ka qalin jebiyay jaamacadda GOLIS faraceedda magaaladda Caynaba.

Ardaydan qalin-jebiyayeen oo noqonaya dufcadii 1-aad ee ka qalin jebisa jaamacadda GOLIS faraceeda magaalada Caynaba, ayaa ka af-laxay kulliyadaha kala duwan ee waxbarashadda ay bixiso jaamacadda GOLIS.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo khudbad u jeediyay ardaydaa qalin jebiyay ayaa ku bogaadiyay dedaalka dheer ee waxbarasho ee ay mudadda soo wadeen, iyaga iyo waalidkooda, iyo macalimiintii wax soo baray ba.

Sidoo kale wasiirka Dastuurka Somaliland ayaa kula dar-daarmay ardayda xaflada qalin jebinta ah loo qabtay in ay noqdaan kuwo dalkoodda, iyo dadkoodaba uga faa’iideeya cilmigii ay barteen.

DAAWO: Khudbadda Wasiirka Dastuurka Ee Jaamacadda Cayanaba:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here