Wasiirka Beeraha Somaliland oo Bixiyey Amaro ka hor imanaya Talaabooyinka lagu taakulaynayo Dadka Abaaruhu saameeyeen

0
1110

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir ayaa ka hor yimid talaabooyinka dawladdu ku caawinayso dadka abaaruhu saameeyeen ee gobolada bariga, isaga oo amray in gaadiidkii uga hawl galayey goboladaasi Wasaaradda lagu soo xareeyo.

 

Wasaaradda Beeraha oo ka mid ah wasaaraddaha qaranka u qaabilsan Wax soo saarka dalka ayaa looga fadhiyey inay door weyn ka qaadato taakulaynta abaaraha ku dhuftay gobolada Bariga Somaliland, iyada oo gabi ahaan wasiirka lagu arag dhaq dhaqaaq uu arintan kaga qayb galayo, halka min madaxweyne ilaa shacab aanay dadweynaha Somaliland u kala hadhin, balse sidaasi cagsigeeda wasiirka Beeraha Somaliland uu amray in gaadiidkii ka qayb gali lahaa gurmadka abaaraha ee gobolada ka shaqaynayey lagu soo xareeyo xarunta Hargeysa ee Wasaaradda Beeraha, sidoo kalena ka muquurtay inuu wax dedaalo ah ka galo sidii dadka abaaruhu saameeyeen wax loogu qaban lahaa.

 

Wasiirka wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir ayaa soo jeedimo ay ku dalbanayeen masuuliyiinta gobolada iyo odayaasha deegaanada gaadiidku ka shaqaynayeen in loo fasaxo ka hor yimid, iyada oo aan la garanayn sababta ku kaliftay.

 

Mid ka mid ah Masuuliyiinta la kulantay wasiirka ee ka dalbatay inuu ka qayb qaato abaaraha oo magaciisa ka gaabsaday ayaa waxa uu sheegay inuu wasiirku yahay qof aan ka garaabayn talooyinka, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Wasiirka waanu u soo jeedinay inuu ka qayb qaato taakulaynta abaaraha bari haddii ay tahay Gadiidka oo la fasaxo kuwa kalena lagu caawiyo iyo haddii ay dedaalo kale tahayba, balse kamuu garaabin”.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa hore u amray xaalad lagaga qayb qaadanayo taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen, iyada oo muwaadiniinta Somaliland qof kastaa awoodiisa kaga qayb qaadanayo, balse amarkan iyo talaabooyinkan Wasiirka Beeruhu qaaday ayaa ah mid si toos ah uga hor imanaysa amarka madaxweynihii shaqada u igmaday iyo bani aadaminimadaba.

 

 Xigasho: Wargeyska Sahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here