Wasiirka Beeraha Somaliland Oo 30 Shaqaalihii Wasaaraddiisa Ah U Eryay Si Uu Ugu Bedelo Dad Uu Suuqa Ka Soo Qortay

0
832

“Madaxweynaha waxaan ugu baqayaa bur burintan uu wasiirka ku keenay wasaaraddii iyo dawladnimadii inuu hoos u eego oo uu wax ka qabto” Afhayeenka  W/Beeraha

 

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha ayaa cabasho xoogan ka muujiyey Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, ka dib markii uu ku kacay falal ka dhan sharciga iyo qaanuunka dawladnimo.

 

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo muddo sanad iyo badh ah joogay wasaaradda beeraha ayaa in ka badan ku kacay talaabo uu ku eryayo in ka badan 30 xubnood oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda sharci la’aan, isaga oo loo aanaynayo in sababaha arintan dabada ka riixayaa ay yihiin isaga oo doonaya inuu boosas u helo shaqaale uu jeebkiisa ka qoranayo.

 

Wasiirka uu warqada eriska u qoray 15 xubnood oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Beeraha, isaga oo mar marsiyo uga dhigay inay habsaameen, halka uu sharciga shaqaalaha dawladdu dhigayo in aan qofka shaqaale dawladeed ah la eryi karin isaga oo mara sideed talaabo oo digniin iyo mushahar ka jaris ku jirto mooyaane, waxaana talaabadaasi ka dib eryi kara Maxkamadda, waxaanu wasiirku baal maray intaasi oo sharci.

 

Todobaadkan gudihiisa ayaa waxa uu sidoo kale wasiirku talaabo uu ku eryayo shaqaale kale u badan kuwa Jaamaciyiinta ah oo tiradoodu gaadhayso 15, ka dib markii ay ka cawdeen mushaharka tababar soconayey 5 bilood oo kala badh la musuq maasuqay, waxaanay shaqaaluhu ku cawdeen inay mushaharkoodii helaan, isaga oo ugu jawaabay inuu eryay oo aanay wasaaradda soo gali karin, isla markaana uu haysto shaqaale uu meel u waayey oo uu qoranayo.

 

Mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda beeraha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Shaqaale jaamiciyiin ah oo Wasaaradda Beeraha ka tirsan ayaanu nahay, kuwaasi oo qaadanayey  tababar sanad loo qorsheeyey oo aanu kala badh qaadanay, balse waxaanu dhawr bilood waynay mushaharkayagii kala badh, markaanu wasiirka u cabanayna waxa uu noo sheegay inuu na eryay oo uu haysto dad uu meel u waayey oo uu qoranayo”.

 

Af-hayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi ayaa wasiirka ku dhaliilay nidaam darro iyo inaanu sharciga ilaalinayn, isla markaana aanu ahayn qof haddii waxa saxda ah loo sheego ay tiisu uun u cadahay, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Masuuliyiinta wasaaraddu waxa ay wasiirka kula taliyeen dhawr jeer inay talaabooyinka ku tacadiga shaqaalaha iyo baal marka nidaamka shaqo iska daayo, balse muu maqal oo waxa uu u eeg yahay nin tiisu uu muuqato, waxaanu hore u eryey 15 shaqaale ah, isaga oo todobaadkana warqad eris u qoray 15 shaqaalihii wasaaradda ahaa ee waliba aqoonta la bidiyey ee jaamacadaha ka soo wada baxay, taasina waxa ay u eeg tahay mid uu ku dumiyey wasaaraddii beeraha”.

 

Af-hayeenka Wasaaradda ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu arintan hoos u eego, waxaanu yidhi “Madaxweynaha waxaan ugu baqayaa bur burintan uu wasiirka beeruhu ku keenay wasaaraddii iyo dawladnimadii inuu hoos u eego oo uu wax ka qabto”.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here