Wasiirka Beeraha Oo Ka Hadlay Ayax Ku Habsaday Somaliland

0
416

Hargaysa (HP): Ayax aad u fara badan oo guuraya oo daruurraha cirka dadka ka qariyay ayaa maanta ku habsamaday deegaamo ka tirsan gobolka Maroodijeex.

Ayaxaasi ayaan si weyn looga dareemay guud ahaanba dhulkii uu ku habsaday iyo meelihii uu soo dul marayba.

Meelaha uu sida weyn ugu habsaday Ayaxu waxaa ka mid ah caasimadda Hargaysa oo uu maanta gelinkii danbe hawadda ka qariyay Ayaxaasi.

Kaasoo kolba jiho ama dhinac u guur guurayay ayaa ku soo beegmay xili ay wasaaradda beeraha Somaliland dagaal cir iyo dhulkaba ah oo joogto ah kula jirtay muddo sanad iyo dheeraad ah.

Waxaana ugu danbeeyay hawl galadaasi mid ay saaka shaacisay wasaaradda beeruhu in diyaarrado buufiya ay u dirtay deegaamadda xeebaha oo uu Ayaxaasi ka soo duulayo.

Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay Ayaxaasi aadka u badan iyo sida ay wasaarad ahaan ula dagaalamayaan.

 

DAAWO: Wasiirka Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here