Dugsiga Rising Star oo Xusay Maalinta Ootiisam-ka Adduunka

0
587

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dugsiga Rising Star ee baahiyaha gaarka ah qaba, ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabtay munaasibad uu ku xusayo maalinta ootiisam ka adduunka.

Munaasibadan oo uu dugsiga Rising Star School ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa lagu xusayay maalinta ootiisam-ka adduunka oo maanta oo kale sannad walba 30 bisha April laga xuso dunida oo dhan.

Waxaana munaasibadan ka soo qayb galay, Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Somaliland, Xildhibaanada Goleyaasha Baarlamaanka iyo Deegaanka, Masuuliyiinta Hay’addaha kala duwan ee dalka, Khubaro ku xeel-dheer xanuunka ootiisam-ka, Maamulka Dugsiga Rising, Waalidiin, ardayda waxka barta dugsiga iyo marti sharaf kale.

Dugsiga Rising Star, ayaa munaasibadan ku soo bandhigay ubadka uu asiibay xanuunka ootiisam-ka ee uu Dugsigu waxbaro, iyadoona ay Ardayda qaba xanuunkan ay halkaasi ku soo bandhigeen duruusta kala duwan ee ay ku barteen Dugsiga.

Ugu horayn, waxaa munaasibadan hadalo ka jeediyay Maamulka Dugsiga Rising Star iyo Macimiinta waxka dhiga Dugsiga, waxaanay si qoto dheer u sharaxeen marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dugsigu, dadaalada kala duwan ee uu Dugsigu sameeyay iyo Tacliinta ay siiyaan Caruurta qaba xanuunka ootiisam-ka iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in aan la dayacin Caruurta qaba xanuunka.

Waxaa kale oo munaasibada ka hadlay Waalidiinta ay Ardaydaydoodu waxka bartaan Dugsiga Rising Star, waxaanay soo dhaweeyeen dedaalada kala duwan ee uu sameeyay Dugsiga Rising Star, waxa ayna sheegeen in Dugsiga Rising Star uu dabooley baahiyo kala duwan oo dalka ka jirtay.

Sidoo kale, waxaa munaasibadan hadalo ka jeediyay Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Somaliland iyo Xildhibaanada goleyaasha Baarlamaanka iyo Deegaanka, iyagoona ku dheeraaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in la daryeelo Caruurta la nool xanuunka ootiisam-ka.

Waxa ayna u mahadnaqeen Maamulka Dugsiga Rising Star, iyagoona soo dhaweeyeen dedaalada kala duwan ee uu sameeyay Dugsigu, iyagoona sheegay in Dugsiga Rising Star uu dabooley baahiyo kala duwan oo dalka ka jirtay.

Caruurta waxkabarta Dugsiga Rising Star, ayaa waxaa ay munaasibada ku soo bandhigeen Suugaan kala duwan oo ay ku muujinayaan sida ay lagama maarmaanka u tahay in la daryeelo ubadka ootiisam-ka qaba.

Dugsiga Rising Star oo ku yaala magaalada Hargeysa oo muddo 5 sanno kahor Somaliland laga aasaasay, ayaa ah Dugsigii ugu horeeyay ee waxbara Caruurta la nool xanuunka ootiisam-ka.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here