Guddoomiyaha G. Wakiiladda Oo Ka Warbixiyay Xeerka Shaqaalaha Dawladda Oo Ay Doodiisa Ku Guddo Jiraan

0
367

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha golaha Wakiiladda somalilad C/rasaq Khaliif Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay xeerka shaqaalaha dawladda oo ay muddooyinkanba doodiisa ku guddo jireen mudaneyaasha golahaasi.

Waxaanu sheegay in xeerka shaqaalaha dawladda Somaliland oo ay gole ahaan wax ka bedeleen, kadib markii doodii mudaneyaasha la ururiyay, isla markaana mar labaad in dib loogu qaybiyay xildhibaanadda.

C/rasaaq Khaliif Axmed, waxa uu tilmaamay in xeerka shaqaalaha dawladu uu isku saarnaa laba xeer, oo kala ah kii aasaaska ahaa ee haayadda shaqaalaha dawladda iyo xeerkii shaqaalaha dawladda.

Mudadii ay xildhibaanadda golaha Wakiiladu ku guddo jireen doodad xeerkaasi waxaa soo jeedimahoodda ka mid ahayd, in labadda xeer lla kala saaro, isla markaana haayadii uu ka soo baxay dib loogu celiyo.

Hase yeeshee wada tashi dheer oo lala yeeshay la taliyeyaasha sharciga ee golaha Wakiiladda kadi, in la isla qaatay in ay isku noqon karaan hal xeer oo keliya.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladu waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland oo uu shir gudddoominayay.

 

DAAWO: Hadalka Guddoomiye C/rasaaq Khaliif:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here