Guddiga Nabadgeliyadda Gobolka Sool Oo Shir Ka Yeeshay Xaaladda Amaanka

0
401

Laascaanood (HP): Guddiga nabad geliyadda ee gobolka Sool ayaa maanta shir ka yeeshay xaaladda guud ee amaanka gobolkaasi.
Kulankaasi oo uu shir guddoominayay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuur Jiidhe, ayaa ka qabsoomay xafiiska badhasaabka ee magaaladda Laascaanood.


Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Sool, maayarka magaaladda Laascaanood, taliyaha qaybta booliska ee gobolkaasi iyo masuuliyiin kale.
Shirkaasi oo muddo saacado ah socday ayaa lagu falan qeeyay xaaladda guud ee amaanka gobolka Sool gaar ahaana ka magaaladda Laascaanood.
C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka Sool oo kulankaasi iyo arrimihii lagaga hadlay ka warbixiyay ayaa sheegay in rebshadaha hadda ka socda magaaladda Laascaanood ay yihiin kuwo siyaasadaysan.
Waxaanu tilmaamay badhasaabku in xukuumad ahaan ay si deg ah u soo afjarayaan rebshadahaasi, isla markaana dadka ku lugta leh ay u aqoonsan yihiin danbiileyaal.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here