Wasiir Sacad oo Beeniyey in Deyn 80 Milyan ah ay ka Dhaxleen Xukuumaddii Siilaanyo

0
743
Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda  Horumarinta Maaliyadda  Jamhuuriyadda Somaliland  Dr. Sacad Cali Shire,  ayaa been aan sal iyo raadtoona ku tilmaamay in Xukuumadda 80 kun oo doolar oo dayn ah  kala wareegtay   Xukuumaddii   Madaxweyne  Axmed Siilaanyo.

Wasiir Sacad   Cali Shire oo maanta  warbaahinta kula hadlay   xafiiskiisa ayaa sheegay in  aanay waxba ka jirin hadal kii soo yeedhay xildhibaan Ibraahim  Mahdi   buubaa ee ku wajahnaa  in 80 milyan oo doolar oo deyn ah  lagu leeyahay Xukuumadda.

“In 80 kun oo doolar oo deyna lagu leeyahay Xukuumadda tiro saxa maaha, waxa shir  noogu yeedhay maalintii   Isniinta Guddida ilaalinta iyo dabgalka hantida qaranka ee Golaha Wakiillada waxaanay noogu yeedheen inaanu la wadaagno    warbixintii  uu ka  soo  bixiyey   Hantidhawraha guud ee  qaranku   miisaaniyaddii Sannadkii   2017dii, waxaanu ka wada hadlaynay sidii sharciga loo raaci lahaa maareynta deynta,”ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Maaliyaddu.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray;  “Markii aanu aanu ka soo baxnay kulankii oo ay aheyd in aanu intaas uun ka sheegno   ayaa xildhibaanku uu ku daray waxyaabo aanaan ka wada-hadal oo aan jirin,waxaana ka mid ah waxyaabaha aan jirin ee uu sheegay Xildhibaanku  waxa ka mid ah   80 Milyan oo doolar oo dawladda lagu leeyahay, kuma qorna warbixintii uu u soo gudbiyay Hantidhawraha  guud,  Guddida ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka  waxaanu ka wada-hadlayna  maaha guddida ilaalinta iyo dabgalka hantida Qaranka.”

“Malaha  xildhibaanka  siyaasada ayaa yara jiidatay, laakiin waxaanu ka wada hadalnay maaha,   deyntu waa laba qaybood oo kala ah   biilal   soo raacay Miisaaniyadda oo shiidaal ayaa la sii qaadanayaa iyo  qof  qandaraas la siinayo oo wax dhisaya.   markaa daymo  sidaa ah oo taxane ah   way jiraan dawlad waliba deynta way  gashaa,laakiin deynta nalagu leeyahay  waa bilashaa miisaaniyadda ku jiray  ee xaga danbe laga bixinayo. Haba yaraatee ma jirto cid deyn nagu lihi,”ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here